Cali-Gurray Oo Ka Hadlay Muddo-Kordhinta Mar Kale La-Hadal-Hayo Iyo Kala Qaadista Labadda Doorasho Ee Madaxtooyadda Iyo Wakiiladda.

0
97

Maanta waxa warbaahinta kala socoteen qaar ka mid ah Xil-ma-dhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamanka oo ka hadlaya Saami qaybsi afka baarkiisa ah. Saamiqaybsi jira iyo mid la wadaa toona ma jirto. Shakhsiyadka hadlayay waa roob-la-dhacdii muddo kordhinta maalmahan laga wado dhinaca Barlamanka, xukuumadda, iyo xataa xisbiyada dhexdooda. Saaka Akademiga Nabadda waxa igu maqaale ah in halkii wadahadalku uu ahaa Saami qaybsiga waxa timi sheeko kale oo odhanaysa ha la kala qaado labada doorasho ee markii hore la isku qoofalay xeerna lagu soo saaray, go’aankii Maxkamadda Sarena halkiisii yahay iyadoo aan inaba dan qaran looga jeedin ee dano gaar ah laga lahaa. Kulmiye iyo Barlamanka gaar ahaan Wakiiladu, muxaafid iyo mucaarid waxay isku raacsan yihiin in dib loo dhigo doorashada Wakiilada. Arintan dibu dhigista doorashada wakiiladu maaha wax hadalhaynteedu ay inagu cusub tahay balse tan iyo bilawgii Diiiwaangelinta Codbixiyaha ama horteedba waxay ahayd sheeko la wadwaday gaar ahaan xisbul xaakimka iyo dhamaan xubnaha aqalka Wakiilada.

Xukuumadda iyo Madaxtooyada oo markii hore u muuqday in aanay la wadin sheekada wax dhacayba wax baa dhacay waxanay u badan tahay inay la xidhiidho Mashruuca Dekedda Berbera ee DP World oo ah maalgashigii shisheeye(foreign investment) ee ugu waynaa Somaliland abid. Mashruucan ayaa xiise cusub iyo laba kacalayn ku keenay Xukuumadda. Lakiin Madaxtooyada iyo xukuumaddu maaha arinkoodu in doorashada wakiiladana dib loo dhigo ta madaxwaynahana wakhtigeedii ku qabsoonto ee waa sida kale-Madaxwaynaha iyo Xukuumadda ayaa joogaya haday cidi rawaxayso nimankan 12 sanadood fadhiyay ee kuraasida ku daxalaystay ha ka shubaan taas oo loo arki karo inay gar tahay balse dhinacyada muddo kordhinta wada ma jirto cid sidaa la qabta xukuumadda marka lagu daro xisbigeeda.
Marka aad ka tagto Wakiilada oo iyaga toodu u go’antahay muxuu noqon karaa mawqifka Xisbiga WADDANI? Gudoomiyaha WADDANI oo isla markaana ah Gutoomiyaha Aqalka Wakiiladu Mudane Cabdiraxmaan Cirro lagama yaabo in uu qaadan karo wax ka duwan waxa ay doonayaan wakiiladu. Hadii uu xisbigiisuna ku raaco taasi waxay noqonaysaa in Wakiilada, Kulmiye, iyo WADDANI ay meel ka soo wada jeedaan ah; doorashada madaxtooyada in wakhtigeedii la qabto tan Wakiiladana meesha laga saaro oo Madaxwaynaha dambe iyo xukuumadiisa loo daayo inay iyagu go’aan ka gaadhaan iyada oo sharcidejintu xildhibaanadan uun yihiin si ay hadana ula dhamaystaan Madaxwaynaha cusub heshiisna kula galaan sidii Madaxwaynaha jooga ay kula heshiiyeen “wax kasta anaga ayaa duuduub kuugu ansixin ee muddo xileedkaaga anaguna aanu kula dhamaysano”
Gudoomiyaha Xisbiga UCID isaga maqifkiisu muxuu noqon karaa weliba marka Madaxtooyadii iyo xisbigii uu labada ku milmay ay kala mawqif noqdaan? Marka aynu ku noqono halkii inoogu dambaysay UCID oo xisbi keliya ah oo talo is waydiiya mar kasta wuxu mawqifkiisu ahaa hadii la kala qaadayo labada doorasho oo Sabti iyo Axad isku xiga la kala qabanayo ta Wakiiladu waa inay horayso oy Sabtida dhacdo. Markaa isma lihi Faysal wuxu mari doonaa halka Cirro iyo Wakiiladii ka guuray ay maraan waana halka ay isaga iyo saaxiibkii muuse ku kala tegi karaan. Markaa Xukuumadda waxa u miciin noqon kara Faysal oo keliya dabcan xisbiga UCID marka laga reebo Faysal intiisa kale waxa laga yaabaa in ay noqoto wax u cuntami kara hadii ay qasab noqonto in la kala qaado labada doorasho. Hadaba, markay xaaladdu sidaa jiq isugu noqoto ugu dambaysta way adkaan doontaa kala qaadista labada doorasho xal wasad waxaa noqon doona ama in la wada qabto ama dib loo wada dhigo. Hadii ay noqoto dib ha loo wada dhigo waxa laga yaabaa in xisbiga kulmiye uu noqdo ninkii libaaxa dabinka u dhigtay ee sakaaradu u gashay ee yidhi umaba daban.

Shacbiga Somaliland iyagu wax saamayn ah inay arintan ku yeeshaan lagama yaabo mana kala jecla in doorasho la qabto iyo in aan laba qabanin; in kuwa joogaa iska joogaan iyo inay kuwo kale yimaadaan. Nabadgelyada ha la ilaaliyo ayaa ku filan.

Bulshada Caalamka gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan ee inaga caawiya Arimaha dimuqradiyadaynta iyo doorashooyinku iyaga waxa suurtogal ah gebi ahaanba inay faraha ka qaadaan doorashooyinka Somaliland kaalmadoodii dhinaca doorashooyinkuna ay meesha ka baxdo. Laakiin dan kama Dawladdu mar hadii kharashkii diiwaangelintana ay bixiyeen doorashona aanay jirin. Xukuumadda waa wadheedii, ma dalkay nala leeyihiin ha goostaan waxay goosanayaa weliba Wasiirkii ay u bixiyeen Bulashada Caalamka ee Maxamed Biixi Yoonisna waakii ka shubay.
Waxa nasiib darro ah ama nasiib wanaagba Mashruucii DP World isaga oon weli dhulka u soo degin ayaa laga yaabaa inu galaafto doorashadii mudaysnayd 28 March 2017 si ay ugu nagaadaan kuraasida iyo awooda talada Mashruucan intii hore taas oo xataa hadii cidiba la hadal keeni karta in Mashruuca Dekadda Berbera 80% inay fashiliyaan u dhawdahay sidii ay horeba ugu fashiliyeen Mashruucii Sahanka Shidaalka ee GENEL.
Marka ay xaaladda Somaliland sidan tahay ee nadaamkii dawladnimo meesha ka wada baxo waa maxay qarannimada Somaliland waa sidee halkeese laga beegsan karaa higsigii ummadani ay u soo martay halganka dheer muddo ku dhaw 40 sanadood

Comments

comments