Axmed Mire Iyo Ismaaciil Buubaa Oo Isugu Habar-wacday Shir Doceed Uu Xisbiga WADDANI Dabada Ka Riixayo Oo Dorraad Ka Qabsoomay Masallaha Hargeysa

0
831

Axmed Mire,  Suldaanka Habar Yoonis Iyo Saraakiisha WADDANI Oo Beer-laxawsaday Dhiggooda Ciidagale+ Iyo Guddi    Gogol Xaadh Looga Dhigay Shir Beelleed Lagu Dhisayo Cududa WADDANI

Suldaanka Guud ee Beellaha Habar-yoonis Oo uu Weheliyo Mujaahid Axmed Mire Maxamed  iyo Mas’uulliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Ayaa Ergo tolnimo ku hor fadhiistay xubno dhiggooda ah oo kasoo jeeda Beellaha Ciidagale, kuwaas oo Shir-doceed xogtiisa la ilaalliyey jilbaha isku daray galabnimdii Jimcihii la soo dhaafay ee dorraad.

Kulankan oo ka qabsoomay guri ku yaalla xaafadda Masallaha ee magaallada Hargeysa waxaa labada dhinac uga qayb galay min labaatan xubnood oo isugu jira dhakhaatiir, madax dhaqameed, siyaasiyiin iyo baayac-mushtari.

Shirkan oo albaabadu u xidhnaayeen isla markaana warbaahinta loo ogollaan ayaa ilo wareedyo qayb ka ahaa madasha oo Wargeyska HUBAAL Xalay siyaabo gooni gooni ah wax uga weydiiyey ajendaha shirkan iyo ujeedada ka dembeysa shirkan ee uu huwan yahay, waxaa ay tibaaxeen in kulankani daba socday codsi dhinaca beellaha Habar-yoonis ka uga yimi Wallaalahooda Ciidagale, kaasi oo daarnaa in dib loo soo celiyo midnimadii Wixii la isku odhan jiray GARXAJIS oo in dhawaaleba  caad fuulay, sidaasi darteedna wada jir looga arrinsado siddii loo qaban-qaabin lahaa shirweyne guud oo kulmiya dadka labada beellood ee walaallaha ah.

Xubnaha Mindida daabkeeda haya, Kaalinta uu Xisbiga WADDANI Ku lahaa  iyo Wejiyada ka dhex muuqday Shirka dorraad

ciidagale ina-mire-buubaa

Xogaha dheeraadka ah ee shirkan ku saabsan oo wata Sawirro uu helay wargeyska HUBAAL oo laga soo qaaday fadhigan labada dhinac oo qaylaad ahaa ayaa muujiyey wejiyada fadhiyey gooobta.  Beesha Habar Yoonis waxaa Kulanka uga qayb galay Masuuliyiin ay kamid yihiin Suldaanka guud ee beellaha galbeedka Burco Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Muj. Axmed Mire Maxamed, Siyaaiyiin ka tirsan WADDANI Oo ay kamid yihiin Siciid Sulub Maxamed, Maxamed Nuur Carraale (Duur),  guddoomiyaha ganacsatada Beesha Habar Yoonis oo Ganacsade Khadar Aadan Xuseen (Ambassador) iyo xubno kale.  Dhinaca kale waxaa Beesha Ciidagale u metellayay shirkan Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), Cali Ibraahin Maxamed (Sanyare),  Xasan Guure Jaamac, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), Dr. Maxamuud Axmed Cagoweyne, Aqoonyahan Maxamed Baaruud Cali, Suldaan Cismaan Caddo-gude,  Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir iyo xubno kale. Hase ahaatee waxa   aan ka qayb galin fadhigaas  Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo ah Mas’uulka ugu sarreeya ee ay ka go’do guud ahaan talada Beellaha Somaliland, gaar ahaanna tallada Beellahani. Waxaa kale oo meesha ka maqnaa  Xaajiga Ruug-caddaaga ah ee Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Waraabe).  Kuwaas oo sida la wariyey aan waxba lagala socodsiin ajendaha shirkan iyo isu imaatinka labada dhinacba.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in ka sokow madax dhaqameedyada labada dhinac ay ajendaha kulankaasi hagayeen xubno ay kamid yihiin Muj. Axmed Mire  oo isagu rubuc qarnigii u dembeeyey dalka dibadiisa ku maqnaa,  Somaliland-na soo cago-dhigtay uun maalin ka hor bishii barakaysnayd ee Ramadaan ee ina dhaaftay  iyo  Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa)   oo ah Siyaasii aaminsanaa mabda’a  Soomaaliweyn, ka hor intii aanu dhawaan cafis u fidin Madaxweyne Siilaanyo ee aanu dalka ku soo laaban. Labadan Masuul oo inta badan fagaarayaasha siyaasadda aan lagu arag intii ay dalka joogeen ayaa ila wareedyadu tibaaxeen in  intii kulankaasi socday ay soo bandhigeen hummaag  sawiraya isku duubni iyo midnimo dib uga dhex curata labadan beellood oo ay dhalasho ahaan kasoo kala jeedaan, aragtiyahaas oo dadka siyaasadda u dhuun daloollaa ku tilmaameen kuwo cudud taageero ay ugu raadinayaan xisbiga WADDANI ee guddoomiye Cirro hogaamiyaha ka yahay.

Dhanka kale warku waxaa uu farta ku fiiqay Xidhiidhka Kadhaxeeya Shir doceedkan Loogu Gogol Xaadhaayo Shir Ay Yeeshaan Beelaha Garxajis Iyo Aragtida Ay Aaminsanyihiin Buubaa Iyo Ahmed Mire.

Waxaa iyaguna madasha ka hadlay masuuliyiin kala metelayay labada ardaa kuwaas oo si isku mid ah u taageeray afkaarta ay gadh wadeennada shirku soo bandhigeen. Gebogabadiina waxaa halkaasi la iskaga dhex doortay guddi afar iyo toban xubnood ka kooban loo xil saaray qaban-qaabada shirkan cinwaanka looga dhigay Midnimada GArxajis, guddidaas oo min toddoba xubnood u kala metelayay labada dhinac, kuwaas oo soo agaasimi doona qaabka loo shirayo, halka lagu shirayo iyo xilliga la shirayo.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee isu keena labada ardaa ee Ciidagale iyo Habar Yoonis kuwaas oo Siyaasadda ku kala irdhoobay wixii ka dembeeyey doorashadii madaxtooyada ee sanadkii 2010-kii, waxaana

Xisbiga Mucaaridka Ah ee WADDANI ayaa Mas’uuliyiinta ka socotay ee madasha fadhiday ay qabsoomidiisa ku tilmaameen tallaabo horumar leh oo xisbigooda u soo korodhay, waxaanay u muusoodeen natiijadiisa oo ay sheegeen in ay dawo u noqonayso kala fogaansho dhinaca siyaasadda ah oo labada dhinac ku kala irdhoobeen.

Sidee ayay u arkeen Suldaan Maxamed Iyo X. Cabdi Waraabe

Walow aanay suldaanka guud ee Beellaha Somaliland iyo Oday Xaaji Cabdi Waraabe ka qayb galin shirkan, isla markaana aanay wax war ah kasoo saarin aragtidooda la xidhiidha dulucda shirkan, haddana warar aan la xaqiijiin oo uu xalay helay Wargeyska HUBAAL waxaa ay hoosta ka xariiqeen in ay odayaashani ka biyo diideen waxa isku soo beegay shirdoceedyadan  iyo olollaha uu xisbiga WADDANI ku beer laxawsanayo Beesha Ciidagale.

Waxaana la sheegay in Xaaji Cabdi WAraabe iyo Suldaan Maxamed oo uu weheliyo guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal cali Waraabe ay labadii caano maal ee u dembeeyey kulamo hoose oo ay Hargeysa ku yeesheen kaga arrinsaday shirkan iyo shaadhka loo xidhay, Warar hoose ayaa tibaaxay in Masuuliyiintan midkood la filayo  in saacadaha soo socda ay warbaahinta la hadlaan, una sheegaan mawqifkooda.