Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Aaska Marxuum Garaad Abshir Uu Ka Soo Qeyb Gali Karo Horjooge Cali Khaliif , Shuruudna Ku Xidhay + Muuqaal.

0
784

Xukuumada Somaliand Ayaa waxaa ay shaacisay in Marxuum garaad Abshir Saalax oo dhawaan ku dhintay dalka dibadiisa la keeni doono dalka isla markaana lagu aasi doono magaalada Widhi Widh ee gobalka Sool.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumada Somaliand ayaa waxaa uu sheegay in aaskaasi ay ka soo qeyb gali karto cid kasta oo rer Somaliland mucaarid  iyo muxaafidba iyo waliba cid kasta oo daneynaysa .

Sidoo kale  wasiir Cadaani waxa uu xusay in aaskaasi uu xataa ka sooo qeyb gali karo  madaxweynaha maamulka khaatumo horjeege Cali Khaliif  balse waxaa uu wasiirku tilmaamay in aan la ogaleyn wax ciidan ah oo aan  aheyn ciidanka qaranka Somaliland