Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Hargeysa+Sawiro

0
829

Waxa maanta magaalada hargeysa lagu soo dhaweeyey xoghayaha guud ee xisbiga UCID Yusuf Ibraahin “Googooye” oo dhawaan uu magacabay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe isla mrkaana kasoo kicitimay dalka UK gaar ahaana magaalada London.

Waxaana xoghayaha kusoo dhaweeyey madaarka magaalada hargeysa masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID,taageerayasha xisbiga iyo dhalinyaro.

Waxaana goobtii lagu soo dhawaynaya xoghayah hadalo kooban kasoo jeediyay masuuliyiin ka tirsan xisbig oo uu kamid yahay xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID Yusuf Kayse,gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale, waxaana ay dhamaantood si wada jira usoo dhaweeyeen xoghayah.

Dhanka kale waxa isna gabagadiin halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee xisbiga UCID Yuusuf Ibrahin Googooye waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado dalkiisa hooyo,sidoo kalena waxa uu aad ugu mahadceliyey xubnihii ka qayb qaaatay soo dhawayntiisa, isaga oo gobtaasina ka sheegay inay ka go’an tahay inuu ka shaqeeya horumarka xisbiga.

1-43 2-1 5 3