Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Sheegay In Goluhu Fadhiid Noqday Intii Uu Guddoomiye Saleebaan Talada Qabtay.

0
819

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo ka tirsan golaha guurtida, ayaa sheegay in intii uu guddoomiye Saleban guurtida qabtay ay shaqadii goluhu noqotay fadhiid, halka wakhtigii Alle haw naxariiste Sheekh Ibraahim uu goluhu si wanaagsan shaqadiisa u gudan jiray.

Xildhibaanka, oo wax laga weydiiyay shaqada golaha guurtida, ayaa wuxuu shaqada golaha guurtida kut ilmaamay mid wagash-wagash ah intii uu guddoomiye Saleban talada guurtida hayay, “Golaha guurtidu waa gole nabadgelyo, waa golaha had iyo goor meelaha wax ka dhacaan sida deg dega ah u taga.” ayuu yidhi xildhibaanka oo intaas raaciyay “Sheekh Ibraahim markii uu shirguddoonka guurtida ahaa ayuu goluhu waajibaadkiisa sida ay tahay u qaban jiray oo u qabsan jiray, laakiin intii macalinku [Saleban] yimid waxaad moodaa inay wagash wagash golaha hawlkarnimadiisu inay wagash wagash tahay.”

Dad badan ayaa aaminsan in hoos u dhac weyni ku timid hawlkarnimadii golaha guurtida, waxaana shaqooyin badan oo ay goluhu dalka u qaban jireen la wareegtay xukuumadda. Golaha guurtida ayaa xaalad adag kala soo dabaashay Somaliland, waxaanay qayb muhiim ah ku lahaayeen dib u heshiisiintii beelaha Somaliland oo sabab u noqotay tid qaadka Somaliland.