Sheekh Mustafe Xaaji Ismaacil Haaruun Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Laascaanood Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

0
878

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaacil Haaruun oo kamida culimada waa wayn ee Somaliland ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool.

Waxaana soo dhawaynta Sheekha ka qayb qaatay maamulka gobolka sool, culimo awdinta gobolka iyo waliba dhalinyarada magaalada laascanood.

Ujeedada socdaalka uu ku tagay magaalada laascaanood sheikh Mustafe ayaa mid uu muxaadirooyin kala duwan oo diini iyo wacdiba iskugu jira u jeediin lahaa dhalinyarada iyo bulshada magaalada laascaanood,madaama khudbadihiisa iyo muxaadirooyinkiisa aad loo tixgaliyo.

Sheekh Mustafe Xaaji ismaaciil Haaruun ayaa muxaadirooyin kala duwan u qaban doono shacabka magaalada laascaanood inta uu ku sugan yahay,sidoo kalena waxa la filayaa inuu waano iyo wacdigalino diiniya kaga qayb qaadan doono xalinta shaqaaqada ka taagan deeganada koonfurta laascaanood.

tafo mustaf