Ganacsatada Somaliland Oo Hubaysay Tuugta Iyo Halista Ammaan Daro Ee Sababi Karto Baastoolado Ay Soo Dajiyeen

0
1629

Ganacsatada reer Somaliland  ee wax soo dejisa, ayaa mar kasta waxay eegaan oo kaliya hadba siday dani ugu jirto ee ay ku helayaan macaash buuran waxaanay dalka soo geliyaan marba wax aan dalka iyo dadka midna dani ugu jirin balse waxyeelo ku ah oo nabad gelyadda,  waxaanay hubeeyaan Tuugta.

Intii lagu  gudo jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayay dalka keeneen oo ay dibada ka soo waarideen Baastoolad bir ah oo macmal ah oo laga soo dhigay leetarrada sigaarka lagu shito oo sababi karta khatar nabad-gelyo darro isla markaana ay tuugtu inta ay isku hubeeyaan ay dadka ku baadhaan habeenkii.

Waxaa kale oo ay ganacsatada dalka wax u soo dejisaa ay dalka  si aan tudhaale lahayn  u soo geliyaan noocyo mindiyo halis ah oo kala duwan oo qaarkood yihiin kuwa yar yar ee loo yaqaan mindida boodda oo in wax lagu handado mooyaane aan wax kale oo ay qabataa aanay jirin,waxaa kale oo ay dalka soo geliyaan seefo sida bakoorada u samaysan iyo noocyo badan oo mindiyo ah oo ay ku jiraan xataa kuwo halis ah oo ay marsan tahay sun isla markaana qofka ay taabato ee lagu saraa uu halis gelayo.

Badeecadaha saamaynta taban leh ee ay dibadda ka soo waarideen waxa ka mid ah in  ubadka yar yar ee maskaxdoodu cusub tahay ay maalmaha ciida ugu tallo-galaan in ay kaga macaashaan oo lagu ciidsiiyo noocyo hub macmal  ah iyadoo taasi ay si dadban  ubadka  ugu beerayso inay ku koraan dagaal iyo colaad.Waana dhibaato haysata waalidiinta ubadka dhalay oo aan ilmaha ka hor-joogsan karin in ay u diidaan baastooladaha iyo qoryaha caruurtu ku ciyaarto ee macaash doonku dalka keenay.

Sidaas si la mid ah waxay dalka soo geliyaan  Rashka ay ciyaalku ku ciyaaraan ee ay qarxiyaan oo la sanqadh ah walxaha qarxa isla markaana argagax geliya marka laga ag qarxiyo qofka aan ogayn iyadoo uu rashku yahay nooc qashin baaruud ah oo  u samaysan oo qiiq leh isla markaana aan la ogayn saamaynta uu ku yeelan karo caafimaad ahaan ilmaha qarxiyay ee qiiqiisu ku baxay ama qof kasta oo uu gaadho.

Laakiin waxyaabaha ay faa’iido raadinta ganacsatada wax soo dejisaa ay dalka keentay ayay ugu halis badan yihiin Baastoolad la mooda sigaarka laga shito iyo noocyada mindiyaha kala duwan ee aan ahayn kuwa waxtarka leh ee dhanka cuntooyinka looga faa’iidaysto balse ah kuwo hub ahaan  oo kaliya loo adeegsan karo.iyadoo qiimaha leetarka sigaarka laga shitaa uu dalka ka joogu 1500 illaa 3500,ayay  dalka keeneen noocan baastoolad la moodka ah oo lagu kala iibsanayay 6 Dollar illaa 7 Dollar taasi oo aan maangal ahayn.

Baastooladan Sigaarka laga shidanayo ayaa ah mid aad ugu dhow isla markaana aan laga garan karin Baastooladaha caadiga ah oo ay qaab ahaan iyo sanqadh ahaanba aad ugu dhawdahay waxaanay halis ku tahay cid kasta oo lagu qabto waana mid lagu dhici karo meheradaha iyo dadweynahaba. Baastooladan halisteeda waxa ka mid ah in qiiqeeda lagu jabin karo qufuladda qasnadaha meheradaha lagu xidho.

Haddaba, waxaa looga baahan yahay Xukuumadda Somaliland in ay si dhow ula socoto ganacsatda bagaashka soo dejisa oo ah cidda ugu badan ee waxyaabahan aan loo baahnayn ee nabad-gelyada halista ku ah dalka keenta isla markaana ka eegta oo kaliya dhanka macaashka ugu jira laakiin aan danayn nabad-gelyo darrada ay abuurayaan iyo tuugta ay hubaynayaan in ay ka xakamayso waxyaabaha ammaanka khatarta ku ah ee ay soo dejinayaan.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in dalka dhaqaalihiisa loo ilaaliyo isla markaan laga hor tago in uu kaga baxo wax aan dan u ahayn ummadda iyo dalkaba.

In shay sigaar laga shito  qiimihiisu uu noqdo 6 Dollar iyo ka badan iyadoo aynu  ognahay baahida dalkeenna ka jirta iyo inta qoys ee u baahan in wax la taro in ay ganacsaadu ku fikirto in ay wax sigaar laga shito 7 Dollar ku iibiyaan waa nasiib darro kale oo  kale oo ku dhacday dalkan ay kuwaasi u yihiin tijaar innagoo ogsoon oo ka wada dheregsan in dal kasta ay horumarkiisa dhaqaale iyo bulsheedba ay maanta mayalka u hayaan tijaartiisu.

Wax soo dejiyeyaasha dalku waa kuwa ku fikiray in ay findhicilka ka  macaashaan oo ay dibada innooga soo waaridaan laakiin aan marnaba is waydiin in ay dalka wershadayn iyo wax soo saar ku sameeyaan.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in ay Xukuumaddu  ka hor tagto khatarta ka soo fool leh waxyaabaha hub ahaan loo adeegsan karo ee ay dalka u keenayaan in ay faa’iido ka helaan oo kaliya  isla markaana laga mamnuuco in ay dalka soo gelin karaan wax aan wax tar u lahayn iyo in la badbaadiyo dhaqaalaha ummadda oo shay aan munaasib ku ahayn iibsashada dhanka wax tarka in aan dadka lacag lagaga furan.

Laakiin haddii ay sidaa ku sii socoto oo wax kasta oo ay macaash ka helayaan ay dalka soo galin karaan isla markaana ay ogyihiin in ay dawladdu canshuurta uun ka qaadanayso taasi waxay ina dhaxal siin kartaa cawaaqib aan la mahadin oo bulshadeenna iyo dawladnimadeenaba waxyeelaysa.