Somaliland: “Xukuumadda KULMIYE Wey Ku Ammaanantay Derajada Ciidanka, Waxaanse Leeyahay Bixinteeda Qabyaallada Ha Laga Daayo” Sheekh Aadan Siiro

0
925

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Zakaatul-fidriga, Maaddaama oo lagu jiro Gabogabada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay oo uu soo bandhigay mar kale qorshayaal wax loogu qaban karo Dadka Reer Somaliland ee Danyarta ah, isagoo sidoo kalena ka hadlay Nidaam cusub oo uu sheegay in Xukuumaddu u bixiso derajooyinka Ciidammada qalabka sida, kaasi oo uu ku tilmaamay inuu khatar ku yahay midnimada iyo wada jirka Ciidammada.

Sheekh Aadan-Siiro, oo ugu horeyn ka hadlaya Zakada, ayaa yidhi, “Waxa Muhiim ah inaynu Fahamno Zakada. Zakadu waa Waajib, waxay ku waajibtay Jidhka Qof kasta oo Muslim ah, ha yaraado ama ha waynaado, ha noqdo mid xor ah ama mid Addoonnimo ku jira’e. Rasuulku wuxuu sheegay in Qofka Muslimka ahi bixinayo 2KM iyo Rubuc oo Raashinka loogu Isticmaalka badan yahay ah. Culimadu waxay yidhaahdeen waxa la waajibiyey Zakaatul-fidriga Bishii Shacbaan, Sannadkii labaad. Culimadu waxay yidhaahdeen Sababta loo waajibiyey waxa weeyaan in Qofka Saa’imka ah wixii deel-qaaf ah ee ka dhacay inay ka sifeyso Soonkiisii iyo inay gargaar u noqoto kuwa soo ootay ee (baahan). Qofka bixiya Zakada intaan la tukan Salaadda Ciidda waa Zako bixinteeda la aqbalay, haddaad bixiso Marka Salaadda Ciidda la soo tukado haddaad bixiso waxay noqonaysaa mid ka mid ah Sadaqooyinka kale, sida uu Xadiis kale ku yidhi Rasuulku (CSW).”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu sharraxay Qofka ay ku waajibeyso bixinta Zakadu,

“Qofka bixinayaa waa kuma ? Qof bixinayaa ee ay ku waajibtay waa Qofka Inta uu nafaqeeyo ee biilkoodu ku waajibay haystaan Maalin iyo Habeen waxay ku noolaan lahaayeen. Taa Macnaheedu waxa weeyaan, haddii Guriga aad ku jirto kiradiisa laguu haysto kugumay waajibin Zakadu.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ku baaqay in la sameeyo qorshe lagu horumarinayo Dadkeenna baahan, “Dadka Hargeysa ku nool Lix Boqol oo kun oo ka mid ah haddaynu mid walba uu Bishii Bixiyo kun shilin, waa Lix Boqol oo Milyan, intaa markaynu Dollar u beddelno waa 80.000 doollar. Warshadda Shiidda Tamaandhada aynu Xilliga Gu’ga Daadinno waxa la siiyaa 57000 kun dollar, taasi oo ku filaaneysa Shan boqol oo Qoys oo Foqaro ah.

Markaynu Maamulka Lacagtaas u samaynno Dad Ammaano leh oo Dadka Magaalada oo dhan ka kooban, Bil walba waxaynu samaynaa Mashruuc ay shaqo ka helaan Dhallinyaradu. Nidaamkaasi waa ka Zakada ee Islaamka. Midh iga gunta, Guusheennu waxay ku xidhan tahay intaynu Dadkeenna Baahan wax siinno. ILAAHAY wuxuu yidhi Miyaa la idiin gargaarayaa oo Horumar, guul iyo waxaad doonaysaan gaadheysaan illaa aad u gargaartaan kuwiina Jilicsan.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in derajooyinka Ciidanka la siinayo aan lagu salaynin Qabyaalad, “Xukuumadda waxaanu ugu baaqeynaa inay ka Caddaalad-fasho Mu’asasadda keliya ee Somaliland ku taagan tahay. Ciidammadu waa Mu’asasadda keliya ee dhisan ee aynu Nabadgalyadeeda ku fadhinno. Ciidanku waa Innamada ku kala dhex jira Qabaa’ilka Sool isku dilaya. Innamadaa Ciidanka ah qaarkood baa Toban toban Carruur ah leh, haddana Habeen iyo Maalin halkaasaay taagan yihiin, waxayna ku nool yihiin Rejo. Haddayna rejo qabin Innamada ka tagay Saylac, Borama, Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee Dalku may tageen Gambadha iyagoo Mushahar ahaan u qaata 80 doollar.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Waxaanu ku ammaanaynaa KULMIYE derajada Ciidanka ee uu bixiyey, laakiin waxaanu u sheegaynaa KULMIYE iyo Xukuumadda waar wax rejo ah oo aad samayseen Derajadaasaa jirta, Dadkuna way ku diirsadeen, waanad ku ammaanan tihiin, wixii kale ee wanaagsanna waanu idiinku garab taaganahay, laakiin waxaanu sheegaynaa Xukuumadda Maanta Somaliland ka talinaysa iyo inta Caqli iyo Cilmiga leh in loo gelay Ciidankii. Waxa bixinta Derajooyinka loo saaray Guddi khuburo ah oo la yidhi sameeya Nidaamka Derajooyinka loo bixinayo, ILAAHAY Mahaddii Guddidaasi si wanaagsan bay u diyaariyeen, Sharcigeediina way sameeyeen, balse ka waran Nin waydaaranaya Dadkii uu Magacaabay, waxa la bilaabay in Guddidii (Qiimeynta Askarta la siinayo Derajooyinka) la waydaarto, oo la bixiyo Derajooyin lagu bixinayo Reernimo iyo Aniguu Sacabka ii garaacay, oo la bixiyo Derajooyin Cid gaar ahi wadato, waxaanu leenahay Waar Derajooyinka Ciidanka ka daaya Qabyaaladda oo Guddida u daaya.”

Gabogabadii waxa uu Sheekhu Abaal-marinno guddoonsiiyey 10-kii arday ee ugu sareeyay arday ka qayb-qaadatay tartan Siirada Nebigeenna Muxamed ah (CSW) oo bisha Ramadaan ka socday Masaajidka Xaafadda Xawaadle ee uu Sheekhu Khadiibka ka yahay.