Somaliland: Xildhibaankii Ugu Da’da Weynaa Golaha Wakiiladda oo geeriyooday iyo Madaxweyne Silaanyo oo Tacsiyadeeye

0
875

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga Somaliland iyo qoyskii uu ka baxayba ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (dhaadheere) oo maanta ku geeriyooday magaaladda London ee dalka Ingiriiska oo loo geeyay xaalad caafimaad.

Marxuumku waxa uu ahaa xildhibaankii ugu da’da weyn aqalka wakiiladda Somaliland, waxaana laga soo doortay gobolka Sanaag isagoo ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB, wakhtiganna waxa uu ka mid ahaa xildhibaanadda taabacsan xisbiga talladda haya ee KULMIYE.
War-saxaafadeed uu soo saaray shalay afhayeenka madaxtooyadda Gar-yaqaan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), ayuu kaga hadlay tacsida uu madaxweynuhu u diray shacbiga Somaliland, waxaanu u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, Golayaasha Qaranka, Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (dhaadheere) oo ku geeriyooday Ingiriiska 01/07/2016.
Xildhibaanku wuxuu ka tirsanaa 82-ka Xildhibaan ee golaha wakiilada Somaliland, isagoo ka mid ahaa xubnaha ugu da’a weynaa mudanayaasha wakiilada, Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday waayo arag ah oo door muhiima ku lahaa dib u dhiska iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland ku dhaqan, isagoo door muhiima ku lahaa dhismaha qaranka, oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarkiisa dhismihiisaba.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Geesta Kalena, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa tacsi taas la mid ah shacbiga kaga tacsiyadeeyay geerida Marxuum-Xildhibaan Dhaadheere, waxaanay u qornayd sidan:-“Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa xildhibbaanada golaha Wakiilada iyo guud ahaanba shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/Xildhibbaan Ibraahim Maxamed Xuseen(Dhaadheere) oo ka tirsanaa mudaneyaasha golaha Wakiilada Somaliland isla mar ahaantaana isla maanta 01/07/2016 kii ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa eheladii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku siffeeyey in uu ahaa shakhsi Alle ka cabsi badan, una samafala dadka danyarta ah, sida oo kalena door muhiim ah uu ka soo qaatay nabadeyntii beelaha Somaliland ee xilliyaddii sagaashamaadkii iyo weliba horumarka qaranka oo uu illaa xilligan ku hawlanaa, waxa kale oo uu tilmaamay in xildhibbaanku uu ka mid ahaa mudaneyaasha ugu wanaagsan sida oo kalena ugu da’da weynaa 82ka xildhibbaan ee aqalka golaha Wakiilada Somaliland.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo, kana waraabiyo jannatul Fardowsa, sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo xildhibbaanada golaha Wakiilada ee uu ka baxay Marxuumku. Amiin Amiin Innaa-Lillaahi, Wa-innaa Illeyhi Raajicuun.”