Somaliland: Madaxweyne Silaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Cusub ee Germany u Fadhiya Kenya, Somaliland iyo Somalia

0
834

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley maanta safiirka cusub ee Jarmalka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Jutta Frasch, oo fadhigeedu yahay Nairobi.

Haweenaydan Safiirka ah oo ay weheliyaan saddex dublomaasi oo kale oo mid yahay safiir ku xigeenkii hore ee Jarmalka u qaabilsanaa Somaliland iyo Soomaaliya, Mr Christian Resch oo imika xilkaasi ka dhamaaday kuna laabanaya dalkiisa, ayaa kulanwakhti kooban la qaatay madaxweynaha, kaas oo lagaga wada hadlay xidhidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jarmalka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyey weftigaa Jarmalka, waxaanu intaa raaciyey inuu uga mahadnaqay mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan, isla markaana hadalo siyaasada dalka iyo ta geeskaba uga waramay xubnaha weftiga.
Madaxweynaha hadaladiisi waxa ka mid ahaa “si aad ah ayaan idin ku soo dhawaynayaa dalka, waxad naga mudan tihiin qadarin marka la eego xidhiidhka u dhexeeya labadeena dal iyo wada shaqaynta aan leenahay”.

Waxan si gaara idinka mahadcelinayaa mashaariicda qiimaha leh ee dalkayaga aad ka waddaan, idinkoo gaar ahaan Jarmalka ah iyo idinkoo ka mid ah dalalka Midawga Yurubba. Waxan si gaara isu dultaagayaa gacantii aad ka geysateen mashaariicda biyaha, gaar ahaan kuwa caasimada iyo mashaariicda aad qaybta ka tihiin ee dhinacyada waxbarashada, beeraha iyo kuwo kaleba.

Waxan idin soo jeedinayaa inaad halkii ka sii wadaan kaalmooyinkiini dhinacyada badan lahaa, iyadoo aan si gaara idin xasuusino in abaarihii ka dhacay dalka dhawaanahan ay waxyeelo weyn ka tageen, kuwaas oo aanu rabno in ka soo kabashadooda aad qaybtiina ka qaadataan kana mid tahay dib u xoolaynta dadka, horumarka beeraha iyo samaynta biyo qabatimo iyo guud ahaanba dib-u-dejinta dadka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay geedi socodka dimuqraadiyada dalka iyo guud ahaanba horumarka dalka ka socda, waxaanu mar uu arrintaa ka hadlayey yidhi “Dalka waxa ka socda dimuqraadiyad, waxana aanu isu diyaarinaynaa doorashooyinka soo socda oo hawlohoodu si wanaagsan uga socdo dalka iyadoo dalkayagu muddadii uu ku jiray la soo noqoshada madaxbanaanidiisu, aannu haysano nabadgelyo iyo xasilooni caama, dhawr doorasho oo horena aanu ka soo gudubnay, awoodana si dimuqraadi ah oo aan turxaan lahayn laysugu wareejiyey dhawr jeer”.
Madaxweynuhu waxa uu intaa uga gudbay in aan dimuqraadiyada Somaliland iyo doorashooyinka dalka aanay cid kale ku xidhnayn oon ahayn shacbiga Somaliland, beesha caalamkana looga baahan yahay inay sii wado taageerada habsocodka geedi socodka dimuqraadiyada.

Dhinaceeda safiirku waxay madaxweynaha uga mahadnaqday soo dhawaynta lagu soo dhaweeyey dalka. Waxanay intaa raacisay in socdaalkeedani yahay inay barato meelaha ay ka shaqayn doonto oo ay ka mid tahay Somaliland, tahayna markii ugu horaysay ee ay Somaliland timaado.
Mar ay arrintaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Madaxweyne adiga iyo xukuumaddaadaba waxan uga mahadnaqayaa qaabilaadiina”.
Iyadoo socdaalkaygani uu yahay mid barasho, waxa naga go’an, dawlada jarmalkana kaga wakiil ahay in aan marka hore kormeero mashaariicdii aan idinkala wadnay halkan, isla markaana dhamaystirkooda aan ku dedaalno, mustaqbalkana aanu wada shaqayn hor leh yeelano.

Mar ay ka hadlaysay dhinaca siyaasada waxay tidhi “waxaan ka war haynaa siyaasada gobolkan waxanan si gaara idin ku hambalyeynaynaa geedi socodka dimuqraadiyada dalkiina oo aanu ku qanacsanahay, isla markaana ay naga go’an tahay wixii gacan ah ee la nooga baahdo in aanu ku darsano”.
Waxa kale oo hadaladeeda ka mid ahaa “Jarmalku cid gaar ah uma xaglinayo oo gobolkan ah, wuxuuse danaynayaa ka qaybgalka xasiloonida iyo nabadgelyada gobolka geeska Afrika oo dhan, annagoo Jarmal ah iyo annagoo xubin ka Midawga Yurubba (EU)”. Waxaan rajaynaynaa in dadka reer Somaliland nagu xisaabtamaan oo aan la garab taaganahay in aanu wax ku darsano waxqabsigooda, kana qaybqaadano doorashooyinka aad ku hawlan tihiin iyo daryeelka guud ee bulshada Somaliland.

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka, Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland Mudane Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse).

Dhinaca Weftigana waxa wehelinaayey Safiirka iyo Safiir ku xigeenka, Dr Hildegard lingnau, oo mashaariicda gobolka u qaabilsan jarmalka iyo Ms Judith Hopp, oo la taliye u ah safaarada Jarmalka ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Markii shirkaasi soo dhamaaday waxa saxaafada si wada jira ula hadlay wasiirka qorshaynta qaranka iyo Safiirka cusub ee Jarmalka.

13567348_993856410728212_5803867444608609096_n 13507013_993855884061598_8668958053341979239_n 13501552_993855877394932_6596184405336180392_n 13495333_993855927394927_7396796459859778966_n

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.