Somaliland: Cutubka Guul ALLA Ee Booliska Oo Ka Qalin-Jabiyay Kulliyada Ciidamada Ee Mandheera

0
835

Dufcadii siddeed iyo labaatanaad ee ciidamada booliska Somaliland oo loo bixiyay Guul ALLA  ayaa ka qalan jabiyay dugsiga tababarka ciidamada  ee degmada  Mandheera, kuwaasi oo ka koobnaa shan boqol oo Askari.

Munaasibad shalay lagu qabtay dugsiga tababarka ee degmada  Mandheera oo Cutubkan shanta boqol ee askari ah loogu soo xidhayay  tababarka ay qaateen  ayaa wax ka soo qaybgalay Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Taliyaha  ciidamada booliska sarreeyo guuto Cabdillaahi  Fadal Iimaan.

13568759_994677403979446_6629575441944389205_o

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha mudane Cali Maxamed Warancade oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ciidamada boolisku yihiin kuwa ay dadku  ku seexanayeen, isla markaana looga baahan yahay in ay noqdaan qaar ka duwan dadka kale, waxaana uu yidhi ”Waxa tihiin madaxdii iyo hogaamiyayaashii iyo hagayaashii bulshada reer Somaliland, waxa aad tihiin ku wii ay ku seexanyihiin ee marka ay arkaan indhuhu ku doogsanayeen  ee ku  soo dhawaanayeen ayaad tihiin, waxa  umadda Somaliland  u noqonaysaan dugsi  waxa la doonayaa in aad maskaxdiina  galisaan  maanta in aad ka duwan tihiin noloshii aad shalay soo marteen.

Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay  ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in garsoorka, cadaalada iyo amniga loogu adeego qof kasta oo reer Somaliland ah waxaanu yidhi “Dalku waa dal balaadhan  waxaana loo baahanyahay garsoorka, cadaalada iyo amniga in loogu  adeego qof kasta oo meel joogo, ilaa ka buurta iyo banaanka saran, si taa  loo helo waa in la xoojiyo tayada iyo tirada ciidamada booliska Somaliland, siyaasadaas ayaan u aragnaa in la xoojiyo, marba waynu kor dhinaynaa, hadii aynu xoojinay amaanka caasimada  iyo amaanka magaalo madaxyada,  waxa aynu maanta xoojinaynaa amaanka degmooyinka, miyiga, buuraha iyo banaanada.”

Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa isaguna waxa  uu kula dardaarmay  ciidamadan tababarka qaatay  in ay  u shaqeeyaan umaddooda waxaanu yidhi “Waxa tababarkan aad ka faa’iideen is barasho, kii ka yimid gobolka Xaysimo iyo kii ka yimid Saylac kol haday halkan tababar ku wada qaateen is barasho ayay kala faa’idayaan, ciidanku is dhex galo ayay laga faa,idayaa qaabka shaqada iyo sida loo tababarayo ciidamada.,waxaana idikula dardaarmayaa  oo booliska looga baahanyahay qof kasta oo muwaadina oo u soo dacwooda iyo wax kasta oo loo sheego marka ugu horaysa  in  uu u qaato wax xaqiiqa  oo dhaba oo jira.”