Xildhibaan Talyanle Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Dagaalamaya Dharkan-geenyo

0
860

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee Deegaanka Dharkeenyo, waxaanu ugu baaqay inay nabada qaatan, oo dagaalkan soo noqnoqanaya soo afjaraan, waxaanu kula taliyey in Ergooyinka kala duwan ee waan-waanta ka dhex wada u dhego nugladaan, oo ay qaatan taladooda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaynu ku jirnaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxayna kaga jirnaa Tobankii maalmood ee ugu dambeeyey ee naarta la iska xoreeynayey, ee marka hore haddii aynu nahay Islaam iyo dad muslim ah  ALLE ha inaga dhigo dadka  Naarta laga xoreeyo,  Jannadana gala, Nabigeena suubana maciisa ha inaga dhigo, waxaana baaq nabadeed, waano iyo talo u dirayaa Labada Beelood ee wada dega, ee walaalaha ah ee Dharkeen-geenyo, waxaana leeyahay dhiiga daadanaya joojiya ,waxaana dhab ah in  dhiiga daadanaya dambi mooye  aanu khayr lahayn, dhib mooye dheef ma laha, colaad mooye nabad ma laha,wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho, waxaynu  ku jirnaa Ramadaantii oo ah bil khayr qabta ee bishan qiimaheeda siiya, oo dagaalka iyo colaada soo afjara, waxaana idinku ducaynayaa inaad dagaalkan soo afjartaan, oo sidii aad walaalaha u ahaydeen ku soo noqda”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle ayaa mar uu kula talinayey labadan beelood inay u hogaansamaan dadka ergooyinka ah ayaa yidhi “Odayaal, Guurti,Salaadiin iyo Wax-garad ayaa ergo ahaan idinku timid, oo idin soo gurmaday, waan-waan iyo ergo ahaan bay idinku yimaadeen, waxay doonayaan inay arinkiina galaan, oo dagaalkan soo afjaraan, dhexdiinana nabada ka dhaliyaan, markaas taladooda qaata, oo waanadooda qaata, oo wax walba wanaaga ka raaca, intii dhimatayna waxaan ALLE uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo, inta dhaawacana inuu caafimaad siiyo”.

Geeska