Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Digniin Adag u Diray Beelaha Ku Dagaalamay Gobolka Sool

0
990

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto ciddii nabad-gelyadda gobolka Sool wax u dhimaysa ee dabka hurinaysa.

Waxaanu digniin u diray laba ardaa oo isku deegaan ah oo iska hor imaadyo dad badani ku naf waayeen ku dhex mareen deegaanka Dharkeyn-geeye ee gobolka Sool bishan June 2016.

Wasiirku waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu shalay gaadhay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo isaga iyo Wasiirka Warfaafintu ay ku biireen ergadda nabadeynta ka dhex wada labadan ardaa.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, oo warbaahinta kula hadlay Laascaanood, ayaa sheegay in ciddii nabad-gelyadda diida ay xukuumadu gacan adag ku qaban doonto.

“ILAAHAY baa mahad leh, waxaanu saaka (shalay) soo gaadhnay gobolka Sool magaalada Laas-caanood, waxaa runtii ka dhacay waxyaalo naxdin leh oo aan runtii loo baahnayn, ka dawlad ahaana waxaanu jecelahay inaanu wax ka qabanno wixii nagaga beegan. run ahaan waxaanu shacabka u sheegaynaa inaanu gacan wax kaga qaban doono cidii u hogaansami weyda awaamiirta qaranka oo cudud ciidan u adeegsan doono dabkana la saari doono markaa wixii gaadhay cid walbaaba iyadaa is eersan doonta,”ayuu yidhi Wasiirka daakhiliga Somaliland.
Wasiirku, waxa uu u mahad-naqay Guurtida iyo waxgaradka dhaqanka ee gurmadka ugu jira inay nabadeeyaan labada beelood ee xurgufta iyo shaqaaqadu dhex martay, waxaanu ugu baaqay in colaada deegaanka ka jirta lagu dhammeeyo hanaan nabadeed oo wada hadal ku dhisan.

Dhinaciisana, Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise, ayaa sheegay in shaqaaqadii Sabtidii ay ka dhacday miyiga jiida dharkeyn-geeye, waxaanu xusay in ciidanka qaranku ay kala dhex galeen labadii ardaa ee shaqaaqadu dhex martay. Waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan dedaalo nabadeed oo lagu doonayo in nabad lagaga dhex islaaxiyo labadan beelood oo shaqaaqooyin kala duwan oo bishan dhex martay ay dad badani ku naf waayeen qaar kalena dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen.