War Degdeg ah: Laascaanood oo 2 Qof lagu Dilay, Xukuumadda oo 24 Caaqil Xabsiga u Taxaabtay iyo Badhasaabka Gobolka Sool oo ku Dhawaaqay Bandoo

0
728

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in magaaladaa laascaanood bandow lagu soo rogay maanta kadib markii laba qof lagu dilay duleedka magaaladaas.

Waxaana sidoo kalena gudaha magaalada laascanood lasoo dhooby ciidamo tiro badan kuwasi oo gaaf wareegaya gudaha magaalada.

Waxay wararku intaas ku darayaan in dirir ay ka bilaabatay magaalada duleedkeeda dabadeedna ay usoo gudubtay gudaha magaalada ka hor inta aan bandowga lasoo rogin.

Dadka dhintay maahee, waxaa jira dad dagaalkaa lagu dhaawacay walow aan wali la ogeyn tiradooda.

Gudoomiyaha gobolka sool mudane Mustafe Shine ayaa sheegay in muddo 24 saacadood ah ay magaalada laascaanood bandow ahaan doonto,gaadhina aan lagu arkin karin gudaha magaalada.

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in shaley ay ciidamada Booliiska Somaliland ay xabsiga dhigeen 24 caaqil,kuwaasi oo sida ay wararku sheegayaan ka shaqeyn waayeen nabadeynta shaqaaqadii ka dhacdey deegaanka Dharkeyn-geenyo ee gobolka Sool,halkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 40 qof.