“Hadii Laylatul –Qadar Inoo Yimaado Reer Somaliland Way Ka Qaylin Doonaan Oo Alxamdullilaah Odhan Mayaan” Faysal Cali Waraabe

0
784

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku canaantay dadka reer Somaliland inay ku qaylinayaan wanaag kaste oo usoo kordha isl markaana aanay si frxadle usoo dhawayn.

Eng Fatsal oo hadal ka jeediyay xalad xaflad lagu xusay sanad guradii 39-aad madaxbanaanida wadanka jabuuti oo lagu qabtay hargeysa habeenkii isniinta, waxaana uu sheegay in dad dano gaaar ah leh ay ku hawlan yihiin sidi ay u xumayn lahaayeen xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo jabuuti.

“Waxa Jira baryhaan danbe rag isku khuukhinaya Somaliland iyo jabuuti hadii dawladeenu keenay in dekedeena berbera la maalgaliyo ayaa yihdi jabuuti way ka xanaaaqaysaaa? 17 wadan oo kuyaala qaarada Africa ayaa ah dalal bad ah(Landlocked) kuwa dekeda ku yaala bariga Africa,marka laga soo bilaabo port sudan ilaa Mambasa (Kenya) meel cammiran ma jirto marka laga reebo dekedaha jabuuti”ayuu ydhi Faysal Cali Waraabe.

Isagoo gudoomiye Faysal hadalkiisa sii wata aya waxa uu intaa ku daray.

“Waxa wadamaddaas u baahan yihiin dekedo badan. Dekeduhuna way is cammiraan markaa raga reer Somaliland oo iyagu wx kale u jeed ayaa ku xoqonaya jabuuti ayaa ka hortimi heshiiska maalgashiga dekeda berbera ee shirkada Dp World, waxaan leeyahay aarrintani waa arin qaran ee wax shaqsi maaha dantiina sheegta.Mashruucan waa mid wx way katari doon shaqo la’aanta ka jirta dakjeena insha alllah.”

Hadii uu yimaado laylatul qadrigy reer Somaliland way ka qayli doonaan oo alxamdullilaah odhan maayaan ayuu yidhi Eng Faysal Cali Wrab “