Sidee Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland Looga Xusay Munaasibadda 26-ka June

0
693

Waxa si weyn looga xusay gobollada dalka munaasibadda 56 guurradii ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii Bishii June 1960-kii, xilligaas oo Somaliland laga taagay calankii u horeeyay ee Soomaaliyi yeelato.

Munaasibadihii waaweynaa ee lagu xusayay munaasibadda 26-ka June waxay ka kala qabsoomeen gobollada Tog-dheer, Awdal, Sanaag iyo Saraar.

Xafladii loogu dabaal degayay munaasibadda 26-ka June ee lagu qabtay magaaladda Ceerigaabo waxa ka soo qeyb galay maamulka gobolka, ka degmadda iyo dadweyne kala duwan.

Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isagu ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda faca-weyn ee maalintan 26-ka June,  waxaanu yidhi “12-kii habeenimo  markii la rogay calankii Ingiriiska ee la soo, dejiyay ee dhulka la dhigey lana saarey kii aynu u halganay waxaanu is lahayn aroorta malab ayaad dabaalanaysaan, maanaan dabaalan oo wuu lumay oo waala waayay, oo nasiib darro dhacday ayay aheyd.”

Waxaa isaguna munaasibadan ka hadlay  Maxamuud Raage Ibraahim oo ah siyaasiyiinta gobolka ee xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, waxaanu yidhi “Mar dambe dib isu dhiibi mayno, wixii aynu ku darsanay ee aynu doonaynay ee calool wanaaga aheyd ee faa’iidada laheyd, ee isutaga shanta gobol aheyd wixii  ka soo baxay waad ogeydeen, lagana sheekeyn maayo oo caban mayno, waynu dhisanayn oo waddooyin baynu sameysanay, qaranimadda maanta aynu dhisanay ee shan iyo labaatan jirsatay inaynu ku faro-adagno ayaa innala gudboon.”

Badhasaabka gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Fallaay, ayaa ILAAHAY  uga baryay ragii guusha maalintan keenay inta noola EEBE  uga baryay iyagan inuu u dambi dhaafo waxaanu yidhi “Markii aynu xoriyadeenna ka qaaday 26-kii June Ingiriiska, ayaynu maanta madashan ku xusaynaa, uguna debaal-degaynaa, aad iyo aad iyo aad ayay farxad innoogu tahay dhammaanteenba, mid yar iyo mid weynba, qiimaha maalintani ay leedahay, sharaf ayaanay innoo tahay inaynu cusbooneysiinno oo aynu maanta aad iyo aad iyo aad u xusno, waxaana mahad iska leh Ilaahay iyo ragii soo halgamay ee soo dhaliyay maalintan qiimaha badan leh ee 26-ka June oo ah xoriyadii koowaad ee aynu qaadanay, intii dhimatayna ILAAHAY ha u naxariisto innagana haynooga daba naxariisto.”

Sidoo kale waxaa munaasibada 26-ka June looga dabaal-degay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,  Badhasabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan(Qobyo) oo khudbad ka jeediyay munaasibadaas balaadhan ee lagu muunaynayay 56 guuradii ka soo wareegtay calan-saarkii Somaliland ee 26-kii June 1960-kii, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu riyo maalmeed ku jiro marka uu wali ku hadaaqayo midnimadii burburtay ee Soomaaliya oo shacbiga Somaliland ay ka tashadeen, waxaanu yidhi   “Waxaan leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh xidigtii cadeyd ee laga xiisa dhacye, markaa wali riyo ayaa idinku jirta oo waad riyooneysaan, waxaanaynu nahay qaran 25-jirsaday maanta, meel aynu ka noqonana ma taagnin oo wiilka maanta 25-jirka ah ka dhaadhicin maysid, ka sii yarna iskaba daa, waxaanan jecelahay in wax laysu hibeeyo oo nimankaa walaalanimo ayaa ibnaga dhaxeysa, iyo jaarnimo laba dawladood baynu nahay ee aynu kala qoomamo la’aanno.”

“Haddii shan Soomaaliyeed la sheegayana hamigaa waynu ku hungownay markaa waxaan leeyahay aynu isku hambalyayno oo maalinta 26-ka June waa maalin innagu dheer waana maalintii calankii ugu horeeyay ee Somaliland leedahay la taago,”ayuu yidhi Badhasaabka Tog-dheer. Sidoo kale waxa munaasibadan si weyn looga xusay gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Saraar.