Munaasibad Meeqaamkeedu Sareeyey Oo Lagu Xusayey Sanad Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Dawlada Djabouti Ay Xornimadooda Ka Qaateen 27-kii June 1977 Faransiiska

0
865

Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey xornimada Jabouti maalintii ay qaadatay oo ku beeganayd maanta oo kale 27 june 1960 ayaa Xalay lagu qabtay Hoteel Maan-soor ee magaalada Hargeysa,xuska munaasibaddan oo ahaa mid si quruxbadan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay Safiirka dalka Jabouti u fadhiya Somaliland Mr Cumar Xuseen Kaaliye,wasiirrada arrimaha dibadda,qorshaynta,Gudoomiye-yaasha xisbiyada Kulmiye iyo Ucid,xubno kamida Golayaasha iyo dhalinyaro iyo dumar farabadan oo ay kamid ahayd Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo dadweyne kale oo farabadan.

dhanka kale waxaa iyana madashaasi ka dhexmuuqday xubno kale oo ka mid ah qaybaha bulshada Hargeysa ku dhaqan,ka hor intii aanay madasha oo si quruxbadan loo fadhiyey khudbadihii masuuliyiintu ka bilaaban waxay ka soo qaybgalayaashu daawadeen filin muddo kooban socday oo ka hadlayey xornimada dalka Jabouti ka qaadatay dalka faransiiska oo guumaysanjiray waxaana la arkayey qaarbadan oo kamid ahaa daawada yaasha oo sacabka garaacayey iyaga oo kuraastooda ku fadhiya taas oo ka tarjumaysay sida ay daawadayaashu raaliga uga ahaayeen xornimadii ay Jabouti ka qaadatay guumastihii dalka Faransiiska.

furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay Safiirka dalka Jabouti ee Somaliland Mr Cumarr Xuseen kaaliye waxaanu si farxad iyo dhoollo ka qosale ugu nuux nuuxsaday khudbaddiisa ku wajahan xuskii munaasibaddaasi waxaanu sheegay Mr Kawaaliye inay caawa farxadda iyo taariikhi ah waxaanu si ballaadhan ugu mahad celiyey xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeda oo sida uu sheegay Mr Kawaaaliye si weyn ugala qaybqaatay sidii ay xafladdani ku qabsoomi lahayd gaar ahaan wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire,Cabdixakiin Maxamuud Shirwac,Maxamed Ilkacase agaasimaha warfaatinta iyo xubno kale oo door ah “caawa waxay nootahay haddaanu nahay reer Jabouti habeen qaali ah waayo waa habeenkii aannu ka xorawnay cadawgii na guumaysanayey” ayuu yidhi Mr Kawaaliye safiika dalka Jabouti u jooga Somaliland.

dhanka kalana waxa uu carabka ku adkeeyey inay safaaraddiisu ka shaqayn doonto sidii ay uga shaqayn lahayd isku soo dhawaan shaha labada dal “caawa idinma ilaawidoono sida aan noogala qaybqaadateen ee aad noola dabaal dagaysaan taageerada aad noo muujiseen” ayuu yidhi Mr Kawaaliye ,waxaa iyana halkaa ka hadashay Marwo Adna Aadan Ismaaciil waxaanay ka warantay dareenkeeeda ku wajahan xuska munaasibaddan balse waxay daawada yaashii madashaasi sacabka isku dareen markii ay khudbadeeda ku bilawday afka faransiiska “caawa waxay ii tahay farxadd aan la soo koobi karin waayo waxaa garabka iigu dhagan billad aan ka ka qaatay dalka Jabouti oo ahayd billadaha qaaliga ee dadka la qiimaynayo lagu maamuuso” ayey tidhi marwo Adna Aadan.

waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe waxaanu sheegay inay Jabouti mahadisay xornimadeedii ay ka qaadatay Faransiiska,dhanka kalana waxa uu ka hadlay arromaha dekadda Berbera ee lagu wareejiyey shirkadda Dworld ee dalka isu tagga imaaraadka carabta waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo isla markaana uu yahay mashruuc wanaagsan oo lagu hormarinayo Somaliland “mashruuca Dekadda Bebera waxaan rabaa inaan inyar ka idhaado waxaan leeyahay nimanka meelahaa ka had-hadlaya waxba meelahaa haysku xoqine ee waxkale keena” ayuu yidhi Mr Waraabe.

dhanka kalana waxa uu sheegay inuu barnaamijka dakaddu yahay mid Somaliland inuu u horseedayo hormar iyo barwaaqo balse aanay taa garanayn shacabka Somaliland “waxaan u malayn reer Somalilan hadduu laylatul-khadarkii u yimaadana inay eryidoonaan” ayuu yidhi Mr Fasayl Cali waraabe,waxaa isna masuuliyiintii xafladdaasi ka hadashay kamid ahaa wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire waxaanu sheegay isaga oo ku hadlaya afka xukuumadda Somaliland inay la faraxsan yihiin ka Somaliland ahaan shacab iyo xukuumaddba “aniga oo kuhadlay afka xuukuumadda Somaliland waxaan ku faraxsanahay xuskan qaaliga ah ee loo samaynayo 39 guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimadooda ka qaateen dalka Faransiiska ” ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire.

dhanka kalana waxa uu xusay mashruuca sida waweyn looga hadalhayo Somaliland ee dekada lagu wareejiyey shirkadda gaarka loo leeyahay DPwaorld waxaanu sheegay waxyaabaha ay dadka qaarkii ku andacoonayaan ee ah in looga jeeday in lagu xumeeyo xidhiidka Jabouti iyo Somaliland aanay waxba ka jirin balse dadka sidaa ku fikirayaa ay yihiin waxma garato aan waaqica la socon,Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaa ka hadlay waxa uu ka sheekeeyey taariikhdiisii hore iyo inay Jabouti qayb wayn ku lahayd isaga oo waxna ku soo bartay Aabihiina uu ka soo shaqaynjiray Jabouti “dadka Somaliland oo aan anigu ku jiro intooda badani waxay ka soo jeedaan dalka Jabouti anigaana kamid ah dadkaas” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Mr Biixi waxa uu sheegay inuu ku raacan yahay Wasiisrka arrimaha dibadda iyo Faysal Cali waraabe sidii ay uga hadlay arrimaha dekadda Jabouti iyo xidhiidka labada dalk ka dhexeeya “anigu waxaa Fasyal iyo wasiirka arrimaha dibadda ku raacsanahay sidii ay u dhigeen arrimaha xidhiidka Jabouti iyo Somaliland iyo mashruuca dekadda Berbera” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. intaa ka dib markii ay saacaadu gaadhi 12 kii habeenimo waxa uu Safiirka Jabouti Mr Kawaaliye halkaaku saaray calanka Jabouti isaga oo dhulka soo dhigay calankii dalka Faransiiska taas oo ka soo qaybgalayaashii xafadda maamuska xuskaasi si weyn ugu sacbiyeen markii uu Safiirku calanka Jabouti saaray kii Guumaysiga Faransiiskana dhulka u soo dajiyey.