Mowqifka Is-burinaya Ee WADDANI Iyo UCID Oo Niyadsami Ku Eegay Qaraarka Prof. Samatar

0
866

Xisbiga mucaaradka ah ee ucid ayaa soo dhaweeyay in Prof.Axmed Ismaaciil Samatar ku biiro xisbiga KULMIYE toddobaadkii hore, halka xisbiga WADDANI uu tallaabadan kaga dareen celiyay mowqif is burinaya oo ay ka muuqatay hinaase la xidhiidha in looga horeeyay siyaasi iyo aqoon-yahan weyn oo ay ku taamayeen inay kasbadaan.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa shalay ka hadlay sida ay u arkaan in Prof.Axmed Ismaaciil Samatar ku biiro xisbiga KULMIYE,waxaanay ka istaageen laba mowiqif oo aad u kala durugsan.

“In Axmed Ismaaciil Samatar ku soo biiro axsaabta qaranka mid ka mid ah saddexda xisbi, waa axsaab qaran waxaanay u taagan yihiin danta qaranka Somaliland, Markaa Haddii uu galay xisbiga KULMIYE ee tallada haya waanu hambalyaynaynaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID oo u warramay Muuq-baahiyaha Star TV.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu wax weyn ku soo kordhin doono xisbiga uu ku biiray iyo qaranka Somaliland labadaba, waxaanu yidhi “Mar haddii uu doorbiday xisbigaa meel shishe muu tagin, waxaanan jecelahay inuu qaranka iyo xisbigaba wax badan ku soo kordhin doono. waxaanay noqon doontaa tusaale fiican markaa in lagu ixtiraamo rabitaankiisa xaq ayuu u leeyahay, mana aha in lagu dhaleeceeyo rabitaankiisa.”

Guddoomiyaha UCID waxa uu baaq u jeediyay ”Cali Khaliif waxaan ugu baaqaynaa in uu iska daayo dagaal oogenimada ee uu dadka ku habaynayo, waana in uu Axmed Ismaaciil Samatar ku daydo,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Geesta kalena,Ku-simaha Guddoomiyaha WADDANI, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaas Md. Axmed Muumin Seed oo isaga wax laga waydiiyay sida uu arko in Prof. Samatar cududiisa siyaasadeed kula biiro xisbiga KULMIYE, ayaa si iska hor imanaysa uga hadlay waxaanu yidhi “Horta waan ku hambalyaynayaa xisbiga uu ku biiray laakiin waxa aan is leeyahay laba ayaan is qaban inta badan waxa uu ku doodi jiray isbedal-doon in uu yahay salaaduna halkaa kama xidh mayso in uu KULMIYE ku biiro.”

“Waxa aan ugu bogay runtii nin Prof. Samatar saaxiib yihiin oo maqaal dheer oo hiigsigiisa siyaasadeed la xidhiidha ka qoray oo waxba aan ka dhimin. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa ku xidhnaa oo aad u taageeri jiray intaas oo kun oo jaamacadood oo aqoon yahanka adduunyada jooga inta badanna waxa uu ku baaqi jiray isbedal,”ayuu ku tiraabay Gddoomiye Seed, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Markaa waxa cajiib noqotay in Prof-kii KULMIYE ku biiro, waayo KULMIYE Somaliland waa laga yaqaaanaa waa xisbi qaran oo waa run laakiin waa musasal la soo daawaday, waanan ku hambalyaynaynaa waxaana tacsi in loo diro u baahan dhammaan aqoon yahankii adduunyada ka dhagaysan jiray hadalkiisa oo ay kala fogtay halka ay marayeen iyo halka uu Prof-ku maray .”