Wasiirka Warfaafinta Mudane Cadaani Oo Furay Idaacada Quraanka Ee Gabiley

0
897

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray idaacada Qur’aanka kariimka ah oo laga hirgeliyay magaalada Gabilay.

Munaasibad loo sameeyay daahfurka idaacada Quraanka Kariimka ah ayaa lagu qabtay hoolka dawlada hoose ee magaalada Gabilay, waxaana ka qeyb galay wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, wasiirka diinta iyo aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, agaasimaha idaacadaha Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf iyo guddoomiyaha goboka Gabilay.

Maayarka magaalada Gabilay Maxamed Aamiin Cumar Cabdi ayaa madashaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi

“Waxaynu nasiib u helnay in aynu soo iibino idaacadii ugu waynayd ee Quraanka Kariimka ah, Fm-tan maanta laga furay Gabilay way ka duwan tahay Fm-yada kale, sababta oo ah waxay inta badan awoodoodu u shaqaysaa laba jiho oo kaliya, laakiin tani waxay u shaqaynaysaa afarta jihabba, ILLAAHAY ayaynu ugu mahad celinaynaa, waxaanan aad iyo aad ugu mahad celinayaa wasiirka wasaaradda warfaafinta oo arrintaasi aad noogala shaqeeyay.”

Badhasaabka gobolka Gabilay Mudane Xasme Maxamed Cabdillaah ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi

“Haddii aynu nahay reer Gabilay waxaynu u dabaal-degaynaa, waa maalintii ugu horraysay ee magaalada Gabilay ay yeelato Idaacada Quraanka kariimka ah. Mahad naqa koowaad ee idaacadan waxaa iska leh madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland,  mar labaadka waxaaa mahad leh wasaaradda warfaafinta oo uu wasiirkii inagala joogo. Mar saddexaadka waxaan u mahad naqayaa maayarka magaaladda  Gabiley  oo suurto geliyay  in aynu idaacadan FM-ta ah ee qur’aanka kariimka  ah yeelano”.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta,  dhaqanka iyo wacyigelinta Cismaan C/laahi Saxardiid (cadaani), oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay Idaacadaha Quraanka Kariimka ah ay gaadhsiin doonaan gobolada iyo degmooyinka dalka ee aanay wali ka jirin, waxaanu yidhi

“Waa in ay Somaliland oo dhan  degmo iyo gobol walba ay wada  gaadho idaacadda Qur’aanka kariimka ah. Waxaanu ku dedaalaynaa anagu goboladda oo qudha maanaan gaadhsiinin idaacadda intii aan joogay,  yurub oo dhan ayaanu gaadhsiinay. Waxa kale oo aanu tayaynay oo aanu ku soo kordhinay, barnaamijyadda tafsiirka iyo su’aalaha diiniga ah, oo ka baxaya idaacadan. Waxa kale oo aanu doonaynaa in aanu gaadhsiino idaacadda qur’aanka kariimka ah, in aanu gaadhsiino Boorama iyo Berbera, waxa kale oo aanu gaadhsiinaynaa meelaha kale ee ay ka midka yihiin Baigubadle, Oodweyne,  Taleex iyo Laascaanood.”

Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheikh Khaliil  C/laahi Axmed oo isna xafladaasi ka hadlay waxa uu yidhi

“Haddii ay tahay  baahintiisa oo ay ka soo shaqaysay wasaaradda warfaafinta,  madaxdeedii kala danbaysay,  oo uu ugu danbeeyay Cismaan Saxardiid, oo runii intii uu joogay ay baahinta idaacadda Qur’aanka kariimka ah gaadhsiiyay xataa Yurub. Iyadoo TV-yadda laga daawado Yurub ay ku jirto idaacadda Qur’aanka kariimka ah”.

Idaacadda quraanka kariimka ayaa hore waxa looga furay magaalooyinka Boorame, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Hargeysa, waxaana ku xidhan kumanaan qof oo 24-ka saacadoodba dhegaysta qawlka Eebe.