Mujaahid Cali Guray Oo Sheegay Waxa Ay Garabkoodu Samayn Doonaan Hadii Ay Ku Qanci Waayaan Go’aanka Ay soo Saraan Gudida Diiwaangalinta Ururadu

0
850

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”  oo kamid ah garabka musharraxa madaxweynaha xisbiga UCID ee dacwadda ka gudbiyey guddoomiye Faysal Cali WAraabe ayaa farta ku fiiqay qorsihiisa labaad ee u degsan haddii go’aanka ay soo saari doonaan guddida gacanta ku haysa dacwadoodu ee diiwaangelinta  ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranku  uu Raaligelin waayo,.

Cali Gurey  oo  qoraal uu ku faafiyey Barta Xidhiidhka Bulshada oo kaga hadlay arrintan ayaa  sheegay in isaga iyo garabkiisu ay racfaan ka qaadan doonaan go’aankaasi haddii ay ku qanci waayaan waxaana uu yidhi .

“Kollay dhinacayagu haddii aanu ku qanci wayno Go’aanka Gudida Diiwaangelinta sharciga ayuun baan dabada sii hayn oo rafcaan baan u qaadan Maxkamadda Sare.

Faysal hadii laga xukumo isagu ma filayo inu rafcaan u qaadan doono Maxkamadda Sare eh halkaasuu afka dhulka dari doonaa. Xaq buu u leeyahay in uu rafcaan qaato eh sua’aasha malyuun dollarka ahi waxay tahay maxaa u diidaya?

Arinta Musharaxnimada, ta xil ka qaadista Gudoomiye Xigeenka iyo tan gudi qarqooshkii uu yidhi waa anshax marin intaas oo qodobada asaasiga ah ee nagu kelifay in aanu Gudoomiyaha dacwayno waan hubaa in hadii go’aanka Guddida noo cuntami waayo aanu rafcaan ka qaadan doono lakiin isagu Go’aan ka dhan ah oo aan u cuntami karin kuma dhaco inu ka qaato rafcaan. Sababtu waxa weeye wuu is yeelyeelayaa oo wixiisu waa ishaafalato eh wuu og yahay in laga gar leeyahay markaa fashilaadda inu qaato wuu ku qasban yahay ilayn wuxu doonayaa wax uu ogyahay in aanu xaq u lahayne. Hadii si kale aan u dhigo ninka cadaalad doonayaa cadaalad darro is kama qaadan karo ee albaab kasta oo u furan ilaa uu garaaco quusan kari maayo ama ha helo ama ha waayo eh, lakiin ninka cadaalad darro doonayay haduu ku hungoobo uu waayo hore ayuu markiiba u quustaa markay ay cadaaladdu ka hor timaado. Markaa bal iga gunta saaka intaa labada dhinac hadii midi rafcaan qaadanayo ka cadaaladda doonaya ayuun buu noqon hadii uu cadaalad darro tirsado ka cadaalad darrada doonayaa isagu marna rafcaan qaadan maayo xukun kasta oo dhaca ama ha jeclaado ama yuu jeclaanin eh ayuu ku qasban yahay.

Aniga gidaarka ugu dambeeya ee isoo celin karaa waa Go’aanka Maxkamadda Sare oo aan gar iyo gardarroba ku qasbanahay in aan aqbalo. Lakiin marka aan eego khilaaafka UCID wejigiisa siyaasiga ah in gar eexo uu go’aanka kama dambaysta ahi noqdaa wallee halisteeda ayay leedahay. Markaa anagu waxanu doonaynaa in aanu helo cadaalad wax ka yar iyo wax ka badan midna dooni mayno.

Faysal Cali Waraabe hadduu cid kasta been u sheego oo uu khiyaameeyo hadda Ilaahay in uu wax walba ogyahay oo aanu khiyaamayn karin isaga iyo Jamaalna hadii cid kale u kala xaq qaadi waydo uu Allaha wayn ee waaxdka ihi u kala xaq qaadi doono xisaabta kumuu darsanin eh ha ku darsado oo Ilaahay ha noqdo hadii kale bal aynu eegno halka uu ku dambeeyo.”