Gudoomiyaha Gobolka Sool oo ka Hadlay Laba Qof Oo Ku Dhintay Dil Ka Dhacay Deegaanka Yeyle

0
124

Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine,ayaa ka hadlay toogasho laba ruux ku dhinteen oo ka dhacday deegaanka Yeyle ee gobolka Sool iyo nabayanta shaqaaqadii beelaha walaalaha ah ku dhex martay dharkayn  Geeye halka ay u marayso.

Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ka dhigay wararka sheegaya in laba beelood dagaal ku dhex maray deegaanka Yeyle, taasoo ay warbaahinta  qaar sheegeen in dagaal laba dhinac ahi uu ka dhacay deegaankaas.

Guddoomiyaha Gobolka Sool  waxa  uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN, xalay isagoo ku sugan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Ugu horrayn guddoomiyaha oo aanu waydiinay sida ay wax uga dhaceen deegaanka Yeyle iyo khasaaraha dhimasho ee halkaa ka dhashay waxa uu yidhi

 “Deegaanka Yeyle waxaa ka dhacday toogasho nin ku kacay,ninkaasina wuxuu toogashada ku dilay laba nin labaduba way dhinteen isagiina ciidanka ayaa ku raad jooga oo markiiba meesha gaadhay markaa intaas ayaa ka dhacday waana laga hawl-galay oo ciidanka qaranka iyo booliskuba way ku baxeen.”

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay  siday wax uga jiraan wararka sheegaya in halkaa dagaal laba beelood ahi in uu ka dhacay,waxaanu yidhi

“Maya ,  wax dagaal laba beelood ah oo halkaa ka dhacay ma jiro beelo is dilayna ma jiraan ee nin hubaysan  ayaa toogasho gaystay sababtay geerida laba nin waxaanan tacsi u dirayaa ehelada labada Marxuum waxaanan leeyahay samir iyo Iimaan ALLE ha idinka siiyo iyagana ha u naxariisto. waxaa kale oo aan bulshada ku adkaynayaa in ay nabad gelyda ilaashadaan lana shaqeeyaan ciidamamada.”

Guddoomiye Mustafe Shiine  oo ka jawaabayay su’aal ahayd  shaqaaqadii Dharkayn Geeye beelaha walaalaha ah ku dhex martay nabadayntii ay wadeen halka ay u marayso iyo waxyaabaha u qabsoomay, waxaanu yidhi

“Arrintaasi meel wanaagsan ayay maraysaa annaga ka maamul gobol ahaan iyo guddi nabad gelyo ahaanba xilka na saarani wuxuu yahay in aan wax dambe dhicin oo aanu nabad gelyada ilaalino kana shaqayno in aan cid hubaysani deegaanadaa mari karin halkii wax ka dheceen ee Dharkayn geeye oo Laascaanood u jirta 70  KM masaafo dhan iyo deegaamada ku teedsan oo dhan waxaa ku sugan ciidanka Qaranka oo nabad gelyada gacanta ku haya,weftigii wasiirrada ahaana maanta (shalay) ayay naga soo noqdeen labadii beelood ee wax dhex mareenna beel ka mid  ahi waxay soo saartay baaq nabadeed oo ay u dhan yihiin beesha Qayaad,beesha kale ee Baharar Same iyaguna kulan ayay isugu imanayaan oo ay ku wada hadlayaan markaa nabaduna way sugan tahay isu keenidooda iyo wada hadalsiintoodana waxaa gudo- gelaya Madaxdhaqameedka iyo Guurtida Somaliland oo  dhawaan noo imanaya oo aanu sugayno.”

“Nabada cidna ka baryi mayno haddii ay dhacdo in cidi diidana ka dawlad ahaan cidda nabadda diida dhan ayaanu ka nahay tallaabana waanu ka qaadaynaa laakiin  ma jirto mana aanu arag  cid nabad didan imikana waxa kaliyea ee la sugayaa madax dhaqameedkii iyo guurtidii arrinta geli lahayd ee labada dhinac wada hadalka u furi lahayd isuna keeni lahayd,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).

Comments

comments