Madaxweyne Silaanyo ayaa kormeerkii labaad Saaka ugu baxay Dacalada Magaalada Hargeysa, Gaar ahaan Dhulka sida gaar ka ah uu u Waxyeeleeyey Roobkii shalay.

0
667

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa kormeerkii labaad saaka ugu baxay dacalada magaalada Hargeysa, gaar ahaan dhulka sida gaar ka ah uu u waxyeeleeyey roobkii adkaa ee shalay.
Kormeerkan waxa ka horeeyey kormeer uu habeenkii xalay ahaa ugu baxay cusbitalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu indhihiisa ku soo arkay isna dultaagay dadkii dhaawaca ahaa oo lagu dabiibayey cusbitalka, halka uu kormeerka maantu uu ahaa dhibaatadii uu roobku gaadhsiiyey guryaha iyo dhismayaasha.

Khasaaraha ayaa la sheegayaa ilaa hada inay tahay shanqof oo dhimasho ah laba ka midina ay yihiin iksu qoys iyo in ka badan 20 qof oo dhaawac ah, dhaawacooduna u badan yahay mid fudud.
Meelaha uu kormeeray maanta madaxweynuhu waxa ka mid ah Bakhaarada WFP, Dugsiga sare ee Nile Academy, ama Dugsigii hore ee Xalane, Saylada Xoolaha, Xaafadda Goljano iyo dugsiga Axmed Dhagax ee degmada Ibraahim Koodbuur, goobahaasi oo uu qaybo ka mida dumiyey roobku, ahna goobaha dadka dhintay iyo dadka dhaawaca ahi u badnaayeen, madaxweynuhu waxa uu halkaa war bixin kaga dhegeystay duqa caasimada iyo masuuliyiinta iyo qoysaskii raxmaadku waxyeeleeyeen.

Dadweynihii jiidahaa degenaa uu madaxweynuhu kormeerayey ayaa u riyaaqay inuu madaxweynuhu cagihiisa ugu tagey, iyagoo uga mahadnaqay inuu u yimaado indhihiisana ku arko waxa gaadhay dadkaasi.

Waxa la maqlaayey dadweynaha oo ku dhawaaqayey madaxweyne soo dhawoow, halka madaxweynuhuna uu duco iyo tacsiba isugu daray dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay, isagoo sheegay in si guud loo qiimayn doono baaxada waxyeelada, waxna aan lagala hadhi doonin wixii loo qabanayo.

Markii laga soo laabtay kormeerkaasi waxa warbaahinta la hadlay duqa caasimada Hargeysa iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, waxaanay ugu horayn tacsi u direen eheladii, qoysaskii, dadkii ku dhintay raxmaadkaasi, iyagoo u rajeeyey kuwa ku dhaawacmayna caafimaad dhakhso ah.

Waxa kale oo ay sheegeen in xukuumad ahaan laga shiri-doono dhibaatadan iyo sidii looga hawlgeli lahaa iyagoo u soo jeediyey dadweynaha in la iscaawiyo wixii laysu qaban karo sida loo kala hayn roon yahay gaar ahaan imika oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, xukuumadduna dhinaceeda ay inta danyarta ah hoos u eegi doonto.

13434764_983831391730714_384485469316394813_n 13435557_983831145064072_2945971326055631268_n 13394001_983831495064037_7964690881551562156_n 13413138_983831925063994_8749112612301632583_n 13450850_983831755064011_5891089617916307508_n 13413051_983832748397245_6537292813645311853_n 13432300_983833015063885_582130909200101233_n 13394143_983832965063890_9128988467150085816_n 13442172_983832745063912_6572241734114217489_n 13434830_983832685063918_1746148540800895084_n Soltelco

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.