Xiisad ka Taagan Kooxdii Matashay Somaliland Ee ka Qeybgashay Tartankii Dalalka Aan La Aqoonsan

0
711

“Dhalinyarrada Ka Qeyb Gashay Tartankaa Abkhazia Annagu Uma Aqoonsanin In Ay Somaliland Qarankeeda Matalayaan” Agaasimaha guud ee Ciyaaraha

“Calanka Somaliland Halka Aanu Gaynay Iyo Dadka Aanu Barnay Haddii ay Dambi Tahay Waanu Qaadanaynaa” Xasan Waraabe-cadde

Wasaaradda dhalinyarrada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in ay sharciga la tiigsanayso dadkii ku lugta lahaa koox metalaysay Somaliland oo  ka qeyb gashay tartan kubadeed oo lagu qabtay dalka Abkhazia, kaasi oo loo qabtay dalalka aan la aqoonsanayn ee caalamka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen (Dhabeeye) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan isla markaana ay sharciga marinayaan dhalinyarradan ka qeyb galay tartanka wadamada aan la aqoonsan, kuwaasi oo uu sheegay in ay sheegteen xulka qaranka ee rasmiga ah, taasina ay baalmarsan tahay qaynuunka.

“Wasaaradda dhalinyarrada iyo ciyaaraha ayaa ka masuul ah arrimaha ciyaaraha, Siyaasadda ciyaaraha dalka Somaliland wasaaradan ayaa masuul ka ah, sharci ahaan iyo qaanuun ahaanba iyada ayaa metali karta, dalkuna wuxuu leehayay hay’ado ciyaareed oo dhamaystiran,”ayuu ku dooday Agaasimaha guud.

Agaasimuhu waxa uu nidar ku maray inaanay ka hadhayn kooxdan oo uu ku eedeeyay inay dusha saarteen xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo ay magaciisa si foojari ah u isticmaaleen, waxaannu yidhi

“Dhalinyarrada halkaa tagtay annagu uma aqoonsanin in ay Somaliland qarankeeda metalayaan, waayo metalaada qaranku waxay u baahan tahay wax badan. Arrinta dambiga ah ee aanaan ka hadhaynin waxa weeye, nimankaasi waxay sameeyeen been abuur, waxay sheegteen ururka kubada cagta Somaliland, ururka kubada cagta Somaliland-na dalka wuu ka jiraa, sharci iyo qawaaniin ayay leeyihiin, maraaxiil ayay soo martay way is doortaan, markaa ururka kubadda cagta Somaliland dalka ayuu ka jiraa, markaa waxaan doonayaa in  ay dadku arrintaas fahmaan, qadiyadaasi waxay dhaawacday dedaalkii noocaas ahaa, markaas taas ayaa ah ta aanu diidanahay ee aan ka hadhaynin.”

Dhinaca kale Xasan Waraabe-cadde oo ka mid ahaa masuuliyiintii hogaaminayay kooxdii ka qeyb gashay tartankii kubbada cagta ee lagu qabtay Abkhazia, ayaa iska difaacay eedahaasi ay u soo jeedisay wasaaradda ciyaaraha Somaliland waxaanu yidhi

“Somaliland Shan iyo Labaatan sanno ayay Jirtay xul qaranna lama samayn, qof xul qaran sameeyayna ma jiro haba yaraatee, dhalinyarro reer Somaliland ah oo degan dalka Ingiriisku toddoba sanno ayay leeyihiin urur la yidhaahdo ururka kubadda cagta Somaliland ee UK, waxay xaq u leeyihiin sida kuwa kale ee jaaliyadaha ahiba ay Somaliland ictiraaf u raadiyaan. Tartankan waxaa ka horreeyay koox ku ciyaaraysay magaca Somaliland waxay ka ciyaareen dalka Sweden kuwaasi miyay ka fadli badan yihiin kuwan, Calanka Somaliland qof iga lihi ma jirto, waxaan diyaar u ahay in aanu iska difaacno been abuur kasta oo la keeno, calanka Somaliland halka aanu gaynay iyo dadka aanu barnay hadday dabi tahay waanu qaadanaynaa.”

Ma jiro cid illaa imika xal ka gaadhay khilaafkan oo haddii aan waxba laga qaban isku bedali kara mid sharci oo u baahan in halkiisa lagu dambiyo.