Guddoomiye Muuse Biixi oo si Balaadhan loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Awdal iyo Prof Samatar oo Bari Ku Biiridoona Xisbiga Kulmiye

0
816

Wafti ballaadhan oo iskugu jira hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE iyo saraakiil xukuumadda katirsan, ayaa socdaal la xidhiidha xaflad loo qabanaayo maalinta bari haddii alle idmo Prof. Axmed Ismaciil Samatar oo Boorame ka dhacaysa taas oo uu Xisbiga KULMIYE kaga biiraayo, waxay ku gadheen Gobolka Awdal.

Waftigan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md Muuse Biixi Cabdi, isla-markaana ay wehelinayaan guddoomiye-ku-xigeennada, koowaad, labaad iyo waliba xoghayaha guud ee xisbigaas, wasiirro iyo agaasimayaal xukuumadda katirsan iyo waliba Professor Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka hor intii aanay soo gaadhin magaalada Borama kullan ballaadhan gudaha magaalada Gabiley kula yeesheen madax-dhaqameedka iyo waxgaradka deegaanka gabiley.

72

Fadhiga waftigani la yeesheen madax-dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka gabiley oo uu qayb ka ahaa Professor Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxa ay dhinacyadu iska xog waraysteen xaaladda guud ee dalka iyo midda gobolka Gabiley, waxana madax-dhaqameedku waftiga ku qaabileen waji furan iyo soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo.

Waftigu waxa ay intaas kadib sii wateen socdaalkooda ku jihaysnaa magaalada Borama ee Xarunta gobolka Awdal, waxana ay shacabka iyo madaxda xukuumadda u qaabilsan degmada Borama soo dhaweyn ballaadhan ugu sameeyeen dhinaca Bari ee magaalada, iyagoo muujiyey taageerada iyo jacaylka ay u hayaan madaxda waftiga hoggaamnaysay iyo Pro. Axmed Ismaciil Samatar.
Intaas kadib waxa waftiga loo galbiyey dhinaca Hutel Rays ee magaalada Borama, halkaas oo ay u hoyan doonaan, waxana gebi ahaanba shacabka ku dhaqan deegaanada Galbeedka Somaliland ee waftigani marayeen muujiyeen taageero hufan iyo kalgacal dheeri ah oo ay u hayaan waftigan deegaanadooda booqashada shaqo ku maraya.

35

Sidoo kale waxa guud ahaanba deegaanada Galbeedka Somaliland laga dareemayey diyaar garow ballaadhan oo shacabku ugu jiraan munaasibad soo dhaweyn ah oo maalinta berri ah loo qaban doono Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo si rasmi ah ugu biiri doona xisbul-xaakimka KULMIYE.

Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo ah siyaasi miisaan culus ku leh guud ahaanba Somaliland, ayaa ku biiritaankiisa la xidhiidha xisbiga KULMIYE si weyn looga hadal hayaan dhammaanba deegaanada Somaliland, waxana ay noqonaysaa libin ballaadhan oo uu xisbigaasi gaadhay, maadaama uu hantay siyaasi ruug caddaa ah oo xisbiyada kale ee qaranku tartan weyn ugu jireen soo xerigelintiisa.

image135 141 132 111 54 27 18 8