Ciidamada Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Amaanka Deegaanada Xaaji Saalax Iyo Dururuqsi Oo ku yaala Xuduudka Somaliland

0
100

Ciidamada qaranka Somaliland aya shalay galinkii danbe ila xalay la waregay amaanka degaanada Xaaji Saalax oo kamida deegaanada gobolka Daaadmadheedh iyo duruqsi oo iyadun kamidaa gobolka togdherr isla markaan  xuduudka u dhaxeeya dawladaha somliland iyo itoobiya.

Waxana warar hoose aanu helaynaaa ay shegayaan in ciidamadaasi tirada badan ee lagu daadiyay degmda xaaji Saalax Iyo  Duruqsi laga raray taliska guud ee magaalada hargeysa iyaga oo ciidamaduna sida nalo sheegay ay habeen hore ka baxeen magaalada hargeysa.

Ciidamada tirade badan ayaa la sheegay markiii ay gaadheen deegaanadaasi ay xalay ilaa shalay galinkii danbe ay si toosa ula waregeen amaanka deegaaanada oo mudooyinkii u danbeeyeyba ay ku wareegayeen ciidamada News Police-ka ee dawlada deegaanka Somali Itoobiya, kuwaasi oo dhawan fal aad u xun ka gaystay degmada balli-dhiig oo kamida gobolka togdheer isla markaana ay si kibir iyo jees jees ku jiro ugu jarjaray calanka qaranka Somaliland taasi oo ay uga cadhoodeen bulsho waynta deegaaanadaasi.

Sidoo kalena wararka aan helayno ayaa tibaaxaya in ciidamada qaranka Somaliland ay dhafeen xadka Somaliland ee ay la wadagto dawlada itoobiya iyaga oo deegaanadaasi kusoo bandhigay dhoolo tusyo ay ku muujinayan qaranimda Somaliland.

Wakhti xaadirkan degmada balli-dhiig aya ah mid xaaladeedu guud dagan tahay kadib markii ay ciiidamada qaranka somaliland gaar ahaan guutada 17-AAD ee aaga bari Somaliland soo gaadheen degmada ayna la wareegeen amaanka degmada balli-dhiig.

Bulshada deeganadaas ayaa ula dhacay talaabada ay qaaden ciidamada qaranka Somaliland ee ay ku sugeen amaanka deeganadaasi.

Comments

comments