Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Xadka Dhaafiyay Ciidamadii Liyuu Police-ka

0
934

Wararka naga soo gaadhay degmada balli-dhiig oo kamida degmooyinka gobolka togdheer ayaa waxa la sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ay baacsadeen xadkana dhaafiyeeen ciidamadii news police-ka ee dawlad deegaanka somalida itoobiya ee falka foosha xun ka dhex sameeyey degmada.

Waxaana la sheegay in ciidamada qaranka Somaliland oo iskugu jira military-ga iyo ciidamada duubcasta ay ka gadoodeen falkaas ay sameeyey ciidamada news police-ku,iyada oo naloo sheegay in ciidamadu maarkaasi ay xadka dhaafiyeen cidamadaasi, sidoo kalena waxay ciidamada iyo badhasaabka gobolka togdheer-ba ay tageen maqaaxidii ku taalay xadka Somaliland ee ay ciidamada News police-ku ku jarjareen isla markaana ku gubeen calanka jamhuuriyada Somaliland.

Xaalada guud ee degmada ayaa hada ah mid dagan wallow ay ciidamada qaranku ay ku ruqaansadeen xadka dawlada Somaliland la wadaagto itoobiya,iyaga oo sidoo kalena aad u adkeeyey amaanka xuduudaha, waxaana wararku intaa ku darayaan in degmada balli-dhiig ay xalay u dhaxeen badhasaabka gobolka togdheer iyo wafti uu hogaminayo.

Sidoo kalena waxa amaanka degmada la sheegay inay xalay la wareegeen ciidamo tiro badan oo ah kuwa millitry-ga iyo ciidamada SPU iyo kuwa duubcasta .

Dhanka kale wali si rasmi ah ilaa hada dawlada dawlada fadaraalka ah ee Itoobiya iyo  dawlad deegaanka itoobiya midna ugama hadal xasuuqii dadka rayidka ah loogu gaystay magaalada Jaamac Dubad ee degmada gaashaamo Iyo waxa sababay iyaga oo sidoo kalena laagu qasbay ehelada iyo qaraabada dadkii la laaayay inay aasaan maydadka.

Ilaa hada lama garanayo sababta ay ciidamada News police-ku u jarjareen calanka somaliland una gubeen.