“Xeerka Lagu Soo Dooranaayo Baarlamaanka Waxay Ahayd Inuu Guddoomiye Cirro Ka Shaqeeyo” Mujaahid Cali Guray

0
945

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa naqdiyey safarrada aan kala go’a lahayn ee guddoomiyaha golaha wakiillada ahna guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ugu baxo dalka dibadiisa xilli ay bulshada iyo qarankuba ka sugayaan gudashada waajibaadka loo igmaday ee miiska u saaran.

Muj. Cali Gurey waxaa uu sheegay in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu xilliga uu doono safar iskaga baxo xilli shaqo ay bulshadu ka sugayso. Cali-Gurey oo qoraal kooban oo arrintan la xidhiidha ku baahiyey barta uu ku leeyahay barkulanka xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga waxaa calaama’tu-cajiib saaray ujeedooyinka khaaska ah ee ay safarrada guddoomiye cirro daaran yihiin, waxaanu yidhi

“Cajiib! Guddoomiyaha Wakiillada miyaan isaga laga sugayn Xeerkii lagu dooran lahaa Wakiillada.

Kolay anigu inuu danaynayo uma arko. Waxay ila tahay Guddoomiyaha inta Xeerkaasi maqan yahay waxay ahayd inuu waran ku taagan uu u arko oo mar kasta ka hadlo sidii loo dardar gelin lahaa. Isaga oo soo qaadaya xataa anigu ma arko in kasta oo joogitaankiisa dalkuba uu naadir yahay oo wakhtigiisii noqday mar uu dayuurada sii saaran yahay ama soo saaran yahay.

Mar uu soo degay oo Madaarka la dhooban yahay oo la soo dhawaynayo ama la sii dhawaynayo iyo mar uu dalka debadiisa wareegayo oo xafladiba xaflad u dhiibayso arrinkiisuna yahay HA WAREEGTO GIRAANTU.

Qaranka waxa uu u hayaa xil aanay musharixiinta kale uu la tartamaya aanay u hayn oo aan lagula xisaabtami doonin laakiin isaga aan bun laga dhimi doonin ee lagula xisaabtami doono. Isagiina umaba jeedo nin xilba ka saaran yahay Golaha Wakiiladana isumuu dhigin. Calaa kuli xaal wuxu isu arkaa Madaxwaynaha aan weli la dhaarin ee mustaqbalka dhaw, Alla Kariim” ayuu yidhi Muj. Cali Gurey.