Dawladda Ethiopia oo Somaliland ka dalbatay inay xoolaha dalkeeda ka dhoofiso Dekedda Berbera

0
766

kulan qasriga Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa manta ku dhex maray wefti ay hogaaminayaan labada wasiir u dawle ee Xanaanada Xoolaha iyo Arrimaha Dibeda ee Dawladda Federalka Itoobiya iyo wasiiro ka tirsan Somaliland ayaa laga wadahadlay sidii ay Itoobiya Xoolaheeda ugu dhoofin lahayd Marsada Berbera.

Labada dhinac midkood-na wali kulankaas kama ay soo saarin wax war ah, hase yeeshee wararka Waaheen ay ka helayso kulankaasi oo daqiiqado hortood ka dhacay Madaxtooyadda Hargeysa, waxay masuuliyiinta Itoobiyaanka ahi ku soo bandhigeen qorshe ay hore Somaliland ugu soo bandhigeen oo ay ku doonayeen Xoolahooda inay ka dhoofsadaan Berbera.

Soo jeedinta  weftiga Itoobiyaanka ah waxa ka hor yimi guddida Somaliland u metelaysay wadahadalo hore oo ay labada dal arrimaha ganacsiga uga yeesheen oo ay arrintan dhoofka Xoolaha Itoobiya ka mid tahay, hase yeeshee shirarkii hore ee ay wada yeesheen la isku af-garan waayey.

Weftiga Itoobiyaanka ah ayaa imika soo jeediyey Xoolaha ay doonayaan inay dhoofiyaan in uu noqon doono xoolaha dhulka sare ee Itoobiya ku dhaqan, kaasoo ay ku doodeen in aanu saamayn ku yeelan doonin Xoolaha Somalidu leedahay ee Kililka shanaad, kuwaas oo ay Somaliland walaac ka qabto haddii laga dhoofiyo Dekedooda inay khasaare kala kulmi doonaan, maadaama ay Somaliland ku doodo Xoolahaas in uu yahay ka aya dhoofiyaan.

Labada dhinac ayaa mar kale saaray guddi kale oo arrintan sii ambaqaada six al looga gaadho labada fikradood ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala wataan, kuwaas oo u muuqda kaaf iyo kala dheeri, maadaama Itoobiya raadinayso Il-dhaqaale, halka Somaliland-na dhoofka Xooluhu u yahay Dakhliga kali ah ee ay ku tiirsan tahay.

Dhinaca kale, weftiga Itoobiyaanka ah ayaa soo bandhigay fulinta jidka soo gala Hargeysa iyo ka ka baxa inay dhisayso si ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka labada dal isaga gooshayaa u fududaado, isla markaana laba Kiiloomitir oo jidka magaaladda Wajaale gala-na ay raacin doonaan.