Danjire Cawil Oo Beeniyey War Laga Faafiyey, Kana Hadlay Dhacdadii Gaashaamo, Xidhiidhka Somaliland Iyo Itoobiya Iyo Saamaynta Uu Ku Leeyahay Maalgelinta Dekedda Berbera –

0
998

Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa si adag u beeniyey warar maalmihii u dambeeyey lagu faafinayey barkulannada bulshada ee internet ka oo sheegaya hadallo la sheegay in Mudane Cawil Cali Ducaale uu kaga jawaabay dhacdadii Tuulada Jaamac Dubba dee deegaanka Gaashaamo.

Danjire Cawil waxa uu sheegay in ereyadaasi ay yihiin kuwo aanu marnaba ku hadli karin.

Danjire Cawil oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi,

“Hadalkan ku qoran Internetka, xaasha in aan anigu hadalkaas ku hadlo, mana aha mid afkayga ka soo yeedhay, mid afkayga ka soo yeedhi karana maaha, cid ila soo xidhiidhiya oo falkan Gaashamo ka dhacay wax iga weydiisay ma jirto, waana war aan sal iyo baar toona lahayn, Nin Dublamaasi ahaan jiray wax uu ku hadli karo maaha. Warbaahintana waxa looga baahan yahay marka ay qorayaan war noocaas oo kale ah inay qofka la soo xidhiidhaan, oo y weydiiyaan inuu warkani jiro iyo in kale, haddii xilkasnimo darro u noqon”

Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo uu intaas kadib wargeyska Geeska Afrika weydiiyey ereyga uu ka odhanayo dhacdadan ayaa ugu horreynba tacsi u diray, ehelada dadkii ku dhintay, “Waxa aan tacsi u dirayaa dadkii ku geeridooday, waxa aanan ILLAAHAY uga baryayaa in uu jannada ka waraabiyo eheladoodana uu samir iyo imaan ka siiyo” Intaas kadib waxa uu danjire Cawil u gudbay ereyga uu ka odhanayo dhacdadan oo uu yidhi,

“Waxa aan dadka kula talinayaa in la dajiyo arinta, oo aanu falkani keenin aargoosi, dadkuna ay aad isku dajiyaan, una dhaafan labada dawladooda ee Somaliland iyo Itoobiya in ay ka wada hadlaan, si aanay mar dambe arintan oo kale u dhicin. Waxa aana aamisanahay in Dawladda Itoobiya baadhitaan qoto dheer ku sameeyn doonto falkan ka dhacay Degmada Gaashamo”

Danjire Cawil waxa uu ka hadlay xidhiidhka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland oo dadka ku dhintay dilkaas foosha xun ee ka dhacay deegaanka GAASHAAMO ay labadoodaba ka soo jeedeen, waxa aanu yidhi, “Mar walba waxa weeye inaynu maskaxda ku hayno in xidhiidhka inaga iyo Itoobiya innaga dhexeeyaa uu yahay mid aad iyo aad u wanaagsan, dhacdooyinkuna waa ay ka dhacaan adduunka meel walba. Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeyaana waa mid meel mar ah”

Dhinaca kale waxa uu ka jawaabay su’aal la xidhiidhay in uu jiro wax farqi ah oo u dhexeeya xidhiidhkii ka dhexeeyey Itoobiya iyo xukuumaddii UDUB ee uu ka tirsanaa iyo xukuumadda hadda ee KULMIYE xidhiidhka ay la leedahay Itoobiya waxa aanu yidhi,

“Markaan xaqiiq u hadlo Dawladduhu, xidhiidhka ay Dawladdaha saxiibka ah la’ leeyihiin waa caadi, xidhiidhkii ay Dawladdii hore ay Itoobiya la’ lahayd iyo xidhiidhka maanta Dawladda Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), la’ leeyahay labaduba waa caadi, si bay u wada shaqeeynayeen, dawlad waliba waxay jeceshay xidhiidhka ay Itoobiya la leedahay inay wanaajiso, tii UDUB sidaas ayaa ay rabtay tan KULMIYENA sidaas ayey rabtaa, wey dhici kartaa mararka qaarkood in nidaamka lagu kala duwan yahay, laakiin bartilmaameedku waxa weeye in aanu xidhiidhkaasi marna hoos u dhicin, inuu sare u kaco maahe”

Ugu dambayntii waxa uu Danjire Cawil ka hadlay muhiimadda uu xidhiidhka Itoobiya u leeyahay Somaliland, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka, waxa aanu sheegay in xitaa sababta hadda soo dhiirrigelinaysa in dalka Imaaraadku uu maalgashado dekedda Berbera ay tahay macaamiisha ay ka rajaynayaan in laga helo Itoobiya, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,

“Dawladdihii hore ee Somaliland, tan maanta iyo kuwa soo socdaaba waxa weeye inay maskaxda ku hayaan in xidhiidhka Itoobiya aynu la’ leenahay la xoojiyo, maxa yeelay waa ummad 120 Malyuun gaadhaysa, oo bad xidhan ah, oo Dekaddeena Berbera u baahan. Waxyaabaha imika Dubai inoo soo jiidaya waxa weeye in ay og yihiin in ay Itoobiya inagu xidhan tahay, oo marka ay Dekadda inoo dhisaan waxay og yihiin in dadka macmiisha ah ee isticmaalaya ay yihiin Itoobiya oo ah 120-malyuun oo qof, inaguna waa inaynu taas maanka ku hayno, oo dhacdadii dhacday aanay iga leexin jidka”

Geeska