Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Togdheer oo Gaadhay Deegaamada Xuduudka Ethiopia

0
847

Cutabyo ka tirsan ciidamada Qaranka iyo Booliska Somaliland ayaa Gaadhaaay Deegaamadda Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland Cutabyadan oo uu hogaaminayo Badhisaabka Gobalka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo iyo maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad

Arintan ayaa waxaa ay ka danbeysay ka dib markii ay maalmihii ugu danbeeyey ay isa soo tarayeen tacadiyo ay shacibka rer Somaliland ee teedsan xuduuda Somaliland la leedahay dalka Ethiopia  ay ka tirsanayaan ciidamada Liyuu Police ka  dalka Ethiopia kuwaas oo  wax yeelooyin u gesytay  isla markaana malintii daraad aheyd calanka Somaliland  ku dhex googooyey magaalada Bali-Dhiig halka ay sidoo kalana ay ciidamada Liyuu Police ay dhawaan ku dileen 21 qof  deeganka Gaashamo

Ciidamadan ayaa waxaa ay u anbo baxeen deeganada Xuduudku Maro Ee Balidhiig ,Dhoqoshay Iyo Duruqsi Ujeedada Socdaalkoodana waxaa uu yahay  Sugida Amaanka Xududaha Somaliland Ay La Wadaagto Dalka Ethopia Iyo Xasilada Amaanka Dadka U Dhashay Somaliland Ee Ku Daadsan Xududaha.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegamaysaa xili uu magaalada Hargeysa ku sugan yahiin wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo wasiirul dawlaha arimaha dibada dalka ethopia   isla markaaana uu kulmo madaxtooyada ku wada leeyahiin madaxweynaha Somaliland iyo masulyiinta xukuumadiisa.