Xaaji Cabdi Waraabe Oo Somaliland Iyo Itoobiya Ugu Baaqay In Ay Si Dhaqso Ah Uga Hawlgalaan Dhacdadii GAASHAAMO

0
890

-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), ayaa ka hadlay weerarkii Ciidanka Liyuu Boolisku ku laayey dadka Maatida ah ee degan Deegaanka Gaashamo, waxaanu sheegay in dhibaatadan dhacday sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto, oo Dawladdaha Itoobiya iyo Somaliland sida ugu dhakhasaha badan wax uga qabtaan, uguna hadlaan.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe),oo qaar ka mid ah Warbaahinta xarunta Golaha Guurtida kula hadlay shalay ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii labada beelood ku dhexmaray Dharkeen-geeyo, ee sababay dhimashada, waxaan baaq nabadeed u diray beelahaas, ugu horeyna wuxuu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Warkani waa igu diiq waxaan ka hayaa in lagu dhintay oo dad aad ahi ku dhintay, oo labada reer ee isku dilay Dharkeen-geeyo, labadaas reer taladii wey ka muruxsantay, masiibadaas dhacdayna in laga tashado weeye, masiibadaas in aan la sii kordhin weeye, wuxu waa isku reer meel u kala kici mayaan, waligood wey wada joogaan, waa wax wada dhashay, labadaas reer odayaashu nabad ha kaga shaqeeyeen, dhalinyaadan dheel  ku dhimanaysaana ha maqashoo odayada, talaadda iyo nabada ha loo soo jeesto, culimo awdiinka, odayaasha iyo dumarka ha laga wada qayb qaato, Xukuumadda sida ay waxa uga qaban karto ha uga qabato, Milatariga iyo Askarta ku dhex jirtaana wey mahadsan yihiin, xoogeyeen oo a ku laxaadsadeen”

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey Dagaalkii Gaashamo ayaa yidhi “Qolada Gaashamo, waxa la leeyahay waxa laayey Liyuu Booliskii Itoobiya, Dawladdu dawladda aad ha ula hadasho, ha loo gurmado, labada Xukuumadood ha wada hadleen, waayo amarka waxay ka qaataan Dawlad Itoobiya, jaar baynu ahayn Dawladd Itoobiya, heshiis baynu ahayno, caawimo ayeynu isku lahayno, iskumaynu ogeyn askar buu khasaarahani ka dhacay, ee Dawlad ahaan waxa uga dhashay u maleeyna maayo, labada Xukuumadood ha ka wada hadleen in wax dambe aanay dhicin, dad  oo caruur leh, oo dumar leh, oo odayaal ah mashaqo ayaa ka dhacday, dad  ha ayaa dhintay la yidhi ee Xukuumaddu ha ka hadasho, oo ha u deg degto  oo odhaahdiisa Xukuumadda ha gaadhsiiso, kuumaddu Xukuumadda ha la hadasho”