Wasiirka Cadaallada Oo Shaaciyay Inaan Qofna La Iska Xidhi Karin Waaran La’aan

0
719

Wasiirka wasaarada caddaalada Jamhuuriyada Somaliland Axmed Faarax Cadarre ayaa shalay sheegay in maxaabista ku jirta jeelasha ay u sameeyeen fursado xirfadeed oo ay naftoodu ku horumarin karaan, kuna kaabi karaan noloshooda marka ay xabsiyadda ka baxaan.

Wasiirku, waxa kale oo uu shaaciyay in dadka muwaadiniinta ah aan qofna la xidhi karin iyada oo aan waaran loo jarin ama aan sharciga loo soo marin. “Horta dad Muslim ah ayaynu nahay, oo shareecada Islaamka dabaqa, kuna faana oo markeeda horeba salaadu waa waajib saaran qof kasta ama maxbuus ha noqdo ama yaanu ahaane, maadaama aanu jeelku aheyn meel wax lagu caddaadiyo ee wax lagu dilo ee uu ahaado mid asluubta qofka lagu dhiso, asluubtuna waxaa weeye in anshax iyo dib u habeyn lagu sameeyo, dhab ahaantiina aad iyo aad ayaanu uga qeyb qaadanay sidii dadka maxaabista ah ee jeelasha ku jirta aanu noloshooda kor ugu soo qaadi laheyn waxaanay xaq u leeyihiin inay helaan wixii qofka caadiga ahi helayay,”ayuu balan-qaaday Wasiir Cadarre.

Dhanka kale wasiir Cadare uu ku dooday in sharciga dalku uu si isku mid ah u qaban doono qofka miskiinka ah iyo ka xilka haya, waxaanu yidhi

“Xuquuqal Insaan marka aynu ka hadlayno waa waajib ina saaran guud ahaan, mana aha wasaarada cadaallada oo kaliya, qof kasta oo muslim ahina waa inuu yaqaanaa xaqa uu muslinku ku leeyahay, in la ilaaliyaana waa lagama maarmaan, markaa waxna waa wax suuqa gala, sharciga markay tahay qofka masuulka ah iyo ka miskiinka ahi waa in uu u sinaadaan, sharciguna maaha inuu cidna qabto cidna sii daayo, wasaarad ahaana waxyaabaha aanu dhiiri-gelinaynaa ee aanu xooga saarayno waxa ka mida in qofku xilka uu doono ha hayee, amase yaanu hayne in marka sharciga laga hadlayo uu qof walba uu qabto.”

Wasiir Cadare waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Nidaamka maanta ay reer Somaliland u dhaqmaan waa in wax laga bedallo, waa inaynu sugnaa qofka muwaadinka ah inaan si toosa laysaga xidhine dariiqa saxda ah loo soo maaro oo loo soo qaataa waaran, oo halkaas si weyn looga fiirsadaa, waxyaabaha qaarkood waa ay ku sugayaan laakiin wixii amniga ku saabsan waa laga saaray, laakiin waxaa inta oo askarigii loo yeedho qofka layska xidhayo sharcigu ma ogola, cida wadana waxaanu leenahay joojiya.”