Ciidamad Ilaalad Xeebaha Somaliland oo Cabasho ka Muujiyey Darajo La-aan Ku Kaliyeysatay

0
778

Darajada Ciidanka Badu Ma Waxay  Noqotay Xuud Liq Biladii

inagoo ogsoon in Ciidanka Badu yahay tiir dhexaadka nabad galyadaa Bada dhererkeedu yahay 850KM aynu ku soo naaloonaynay 25 kii sano ee u danbeeyey , kuwaas oo inoo ilaali naayeyey , xasiloonida xudeed badeeda iyo kala danbaynta nidaamka dawladnimo ee aaga xeebaha jamhuuriyada somaliland, oo aan la,aantoo waxba inoo suurta galeen ,Hadaba su,aasha meesha taala waxa weeyi sidee baynu u tayaynaa ciidankeena bada? oo aynu uga dhignaa kii xuduud badeedkeena hagaajin lahaa,ee badbaadin lahaa hantideena iyo khayraadkeena badeena ku sugan.

Si kasta ha ahaatee waxaynu ka warhaynaa in madaxweynaha jamhuuriyada somaliland uu bixiyay darajada ciidamada kala duwan ee somaliland hal mar ugu horeyntii, taasi waxay ciidamada dhamaantood u horseeday niyadsami, firfircooni shaqo, iyo ku naaloon xuruxda darajada iyo waliba kala danbayntii ciidan ee caalamiga ahayd, sidoo kale waxay dhiiri galisay in da’yartu ku dhiirato ku biirida ciidamadaa kala duwan ee qarankan jamhuuriyada somaliland.

Nasiibwanaaga waxaa dhacday in waxoogaa cabasho ahi ka soo noqotay qaybintii darajada ciidamada qalabka sida dhamaantood, balse madaxweynaha iyo gudidii qaybinta darajadu waxay ku sameeyeen dib u eegis waxaana soo baxday dhawr jawaabood oo marlabaad askartii niyad jabtay ka farxisay inkasta oo aan ciidanka bada wali cabashadoodii laga jawaabin halka ciidamada kale sida ciidanka qaranka waxaa dib u eegis lagu sameeyay afar jeer oo dib loogu qaybiyay, halka ciidanka booliska sadxe jeer dib u eegis lagu sameeyay loona qaybiyay, halka ciidanka asluubta sadex jeer dib u eegis lagu sameeyay loona qaybiyay, nasiib daro ciidanka bada ilaa hada cabashadoodii koowaad lagama soo jawaabin taasina waxay keeni kartaa niyad jab ciidan, sidoo kale waxay sababi kartaa hadaa arintaa ciidanka bada hoos loo eegi waayo in ciidankii badu uu daayaco shaqadii adkayd ee uu qarankan u hayay ama uu isku badalo budhcad badeed halis ku noqda hantida umada somaliland ee ku socdaalaysa bada iyo waliba khayraadka bada ee dihin ee mudadaas shan  iyo labaatanka sano ah aynu ilaalinaynay.

Ugu danbaytii waxaan garan waayay ciidanka badu ma agoonbuu ahaa inta loo qaybinaya sadex ilaa afar jeer darajada ciidamada kale maxay uga hadli waayeen maalin kaliya taliyayaashii isbedalay ee ciidanka bada soo maray, waxaanan talo u soo jeedin lahaa madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo gudidii qaybinta darajada in dib loo eego cabashadii darajada ciidanka bada jamhuuriya somaliland oo ilaa hada aan laga soo jawaabin.