Askari ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo Lagu Dilay Xudun

0
805

askari ka tirsan ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhigoodu yahay degmadda Xudun ee gobolka Sool, ayaa shalay toori  uu ku dilay  askari kale oo ay isku xero ka wada tirsanaayeen.

Wararka  ka imanaya jiida dilku ka dhacay ayaa sheegaya in ALLE ha u naxariistee Marxuum-Maxamed Dube Maxamuud uu ku geeriyooday dhaawacyo ka soo gaadhay mindi uu ku dhuftay askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka qaranka oo aan magaciisa la sheegin. Warku waxa uu intaas ku darayaa in ciidanku qabteen askarigii dilka geystay oo haatan  gacanta lagu hayo.

Labadan askari ayaa la soo weriyay inay si shakhsiya ay isku maandhaafeen, ka dibna dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray.

Ma jiro wax war ah oo taliska guud ee ciidanka qaranku ka soo saaray dhacdan, waxase ilo goob joog ahi u xaqiijiyeen shabakadda Gudgudenews in dilka askarigani jiro, halka dhagaroobayna gacanta lagu soo dhigay.