Agaasimaha Diinta Iyo Awqaafta Oo La Shiray Culimadda Sool

0
885

Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa soo dhaweeyay booqasho shaqo oo laba maalmood qaadatay oo agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Sh. Saleebaan Siciid Cali ku tagay Laascaanood.

Badhasaabku waxa uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee uu gobolkiisa soo booqdo agaasime guud oo ka socda wasaaradda diinta, waxaanu ku dooday in gobolkaasi yahay mid muhiim u ah wasaaradda diinta iyo awqaafta.
Mustafe Cabdi Ciise waxa uu sheegay in agaasimaha guud uu kulan la yeeshay culimadda magaaladda Laascaanood isla markaana uu booqday dugsiyadda lagu barto diinta si loo hubiyo nooca manaahijta lagu dhigo dugsiyadda islaamiga ah.

“Waxa noo sharaf ah in agaasimaha guud ee diinta iyo awqaaftu uu nala joogay labadii maalmood ee u dambaysay, si uu u ogaado xaaladda guud ee gobolka Sool, gaar ahaan xaalladda culimadda gobolka Sool iyo ardayda wax ka barata diinta islaamka. Waxaanu u baahan nahay oo gobolka muhiim u ah in la xoojiyo isku xidhnaanta iyo kaalinta culimmadda Sool,”ayuu yidhi Badhasaabku.

Dhinaciisana agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee uu gobolka ugu soo dhaweeyay badhasaabka Sool, waxaanu tilmaamay inuu kulan is xog waraysi ah la yeeshay culimadda magaaladda Laascaanood isla markaana uu booqday dugsiyadda lagu barto diinta Islaamka.

Agaasimaha guud waxa kale oo uu baaq nabadeed u diray beellaha walaalaha ah ee shaqaaqada khasaaraha geysatay ku dhex martay deegaanka Dharkeyn-geenyo ee gobolka Sool, waxaanu sheegay inay wada hadal ku furdaamiyaan shaqaaqadii ku dhex martay.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in kulankii uu culimadda Sool la yeeshay ay is afgarad ka gaadheen qoddobadii ay ka wada hadleen oo dhan, waxaanu xusay inay ku dedaalayaan sidii ay xidhiidh wada shaqeyneed oo dhow u wada yeelan lahaayeen wasaaradda iyo culimadda gobolku.

Sh. Siciid Saleebaan waxa uu sheegay inay dambi weyn tahay in bishan barkaysan ee Ramadaan la daadiyo dhiiga dadka muslimiinta ah. Agaasimuhu wax auu sheegay in booqashadiisani ay la xidhiidho socdaal shaqo oo uu ku soo maray gobollada Tog-dheer, Saraar iyo Sool.