Ciidamada Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Saddex Nin Oo Shalay La Qabtay Iyo In Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Sare La Dhigay Waxyaalaha Qarxa

0
671

Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Faysal Xiis oo qaar  ka mid ah warbaahinta kula hadley taliska ciidamada Booliska  ayaa waxaa uu ka hadley qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland oo qortey in waxyaabo qarxa laga helay xafiiska gudoomiyaha maxkamad Sare.

Afhayeenka ciidamad Booliska ayaa waxaaa uu sheegay  in aanay jirin  wax waxyaalo qarxa ah oo laga helay xafiiska gudoomiyaha maxkamada sare balse waxaa uu xusay in ay jirto saddex nin oo loo qaxbey tuhno ah in ay maleegaayen falal khatar ku ah amniga Somaliland oo laga qabtey agagaarka maxkamada Sare