Ismaaciil Buubaa Oo Dhaliilay Qaabka Dhinacyada Dawladda Qaarkood U Dhigaan Doodda Sharci Ee Qadiyadda Somaliland

0
753

Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamed Hurre Buuba ayaa qoraal uu soo geliyey barta uu ku leeyahay barkulanka bulshada ee Twitter ka waxa uu ku sheegay in qaabka ay qaar ka mid ah madaxda sare ee Somaliland u dhigaan ka warramidda qadiyadda Somaliland ay tahay khatarta ugu weyn ee caqabad ku noqon karta in ay Somaliland dib u hesho sharciyaddeeda qarannimo.

Siyaasi Buubaa oo muddooyinkan u dambeeyey bartiisa Twitter ka ku faafinayey qormooyin uu si weyn ugaga hadlayo doodda sharciyeed ee qadiyadda Somaliland madax bannaanideedu garta u leedahay, iyo weliba in aanay ahayn goosasho ee ay tahay kala noqosho midow laba dal oo hore u dhacay ayaa qormo kale oo uu isla bartiisan ku faafiyey waxa uu sheegay in ay jaban tahay doodda sheegaysa in Somaliland leedahay awood qarannimo oo tijaabo baxday, iyada oo aan aan haddana loo ogolayn sharciyaddeeda qarannimo ee ay beesha caalamka kula macaamili karto.

Mudane Ismaaciil Maxamed hurre Buubaa oo arrinta hore ee jileeca ku jira qaabka ay dhinacyo Somaliland ka mid ahi doodda qadiyaddan u dhigaan ka hadlayana waxa uu qoray,

“Qaabka siyaasiga ah ee dhinacyo rasmi ahi (Dawladda ka mid ahi) u dhiggayaan arrinta Somaliland ayaa ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan dib-u-rumaynta sharciyadda qarrannimada Somaliland”

In kasta oo aanu Buubaa faahfaahin dheeraad ah ka bixin qaababkaas jilicsani kuwa ay noqon karaan iyo weliba dhinacyada ay ka imanayaan waxa kale oo uu qormada kale ku yidhi,

“Somaliland waxa ay dhulkeeda oo dhan ku haysataa qarannimo tijaabo baxday, laakiin haddana aan ahayn qarannimadii sharciyaddeed ee ay kula macaamili kari lahayd bulsooyinka caalamka. Sidee ay ku dhacday?”