Somaliland ayaa markii u horaysay safaarad ka furtay magaaladda Washington ee dalka Maraykanka. Waxaana safaaradaasi xadhiga ka jaray wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Axmed Ismaaciil Kayse.
Furitaanka Xafiiskana waxaa ka soo qayb galay safiirka Somaliland ee Maraykanka Ambassador Rashiid Nuur Gaaruf, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Axmed Ismaaciil Kayse,dad isugu jiray Jaaliyadda reer Somaliland ee degan Washington D.C iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo isugu jiray aqoon yahano, waayeel iyo waxgarad tiro badan.
Wasiir ku xigeenkawasaaradda arrimaha dibada Somaliland Mudane Axmed Keyse, oo furitaanka munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay dhamaanba dadweynihii kala duwanaa ee munaasibadasi ka soo qayb galay wakiilka Somaliland ee Washington oo uu sheeegay in uu dedaal badan geliyay arrintaasi.
Waxaanu yidhi “Waxaa farxad weyn ii ah in aan idin kala soo qayb galo furitaanka xafiiskan uu gadh-wadeenka ka yahay Safiirka Somaliland ee dalkan maraykanaka Rashiid Nuur Gaaruf iyo Jaaliyada degan Washington, Virginia iyo Maryland-ba in aanu furno xafiiskan oo aad u qurux badan oo weyn ahna xafiiskii ugu horeeyey ee ay Somaliland ku yeelato maraykanka.Waxaan rejaynayaa inuu wax weyn ka tari doono xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.
Xafladii furitaanku way inoo danbeysaa laakiin maadaama aan beri tegayo waxa suurta gashay in aanu xadhiga ka sii jarno xafiiska. Xafladda furitaankana ay jaaliyadu ka soo qayb geli doonto, oo ay balaadhin doonaan kuna qaylin doonaan Somaliland-na ay halkan ka qaybin doonaan.
Waxaanu intaasi ku daray “Waxaan u mahad naqayaa safiirka iyo intii kala shaqaysay aad baad u mahadsantitiin, sida aad u dedaasheen ee aad u muujiseen qiimaha waddaniyada iyo horumarka dhinaca arrimaha dibadda”ayuu yidhi wsiir ku xigeenka arrimaha dibadda.
Xadhig ka jarida xafiiskaasi waxaa isna ka hadlay Safiirka Somaliland ee dalka Maraykanka Ambassador Rashiid Nuur Gaaruf. Waxaanu yidhi
“Waxaynu isugu nimid munaasibada furitaanka safaarada Somaliland oo aynu ka furayno wadanka Maraykanka, waxaana halkan marti inoogu ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland Mudane Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), oo inoo furay xafiiskan safaaradu ku yeelan doonto dalka maraykanka, gaar ahaan Washington DC, Furitaanka xafiiskani wuxuu guul u yahay shacabka reer Somliland iyo qarannimadeenaba.”
Sidoo kale waxaa isna munaasibadaasi hadallo isugu jiray duco waano iyo mahadnaq halkaa ka jeediyey Ibraahim Cabdi Warsame, oo ka mid ah odayaasha jaaliyada Washington DC iyo nawaaxigeeda.
Waxaanu ku dheeraaday Ibraahim muhiimada uu yeelan doono xafiiskani iyo baahiyihii ay dadka reer Somaliland u qabeen inay helaan safaarad la mid ah safaaradaha ka jira dalka Maraykanka, taasina waxay ka bilaaban taa xafiis iyo safiir hawl kara sida Safiirkeena oo kale.