“Xinjirta Bururaysaa waa Dadkeenii, Cidda dhibtu Gaadhaysaana waa Ehelkeenii” Wasiirkii hore ee Madaxtooyada

0
798

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan, ayaa baaq nabadeed u diray dadka walaalaha ah ee dirrirta collaadeed ku dhex martay degaanka Dharkeyn-geenyo.

Xirsi oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay internet-ka ee la yidhaahdo Guusha.com ayaa waxay u dhigneyd sidan

“Waxaan baaq nabadeed u dirayaa Dagaalka beelaysan ee labada beelood ee wallaalaha ah ee Dharkayn-geenyo ku dhexmaray degaanadaas. Waxaan ugu baaqaynaa nabad iyo in la joojiyo collaada dadka wallaalaha ah. Dadka reer Somaliland dhamaantooda iyo dawladana waxaan leeyahay haloo gurmado oo hala kala gaadho.
Xinjirta bururaysaa waa dadkeenii, cidda dhibtu gaadhaysaa waa Ehelkeenii ee aan u gurmano wax kasta oo awoodeena ahna arrintaa ha lagu baajiyo. labadii cisho ee ugu danbaysay waxa lasoo sheegayaa in geeridu gaadhay labaatan xubnood. haddii labadii maalmoodba labaatan dhintaan waa collaad baahaysa oo raagaysa, collaadina ma keento wax aan dhibaato ahayn.”

Wa Bilaahi Tawfiiq.