Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ( Nac-nac) oo kamid ah mudanaayasha Golaha Wakiilada ee Xisbiga KULMIYE ugu jira, ayaa eedaymo kala duwan dusha u saaray dawladda Turkiga oo uu ku tilmaamay in ay la dagalamayso qadiyada Madaxbanaanida Somaliland, sidoo kale wuxuu Xildhibaan Nac-nac ku baaqay in aan laga qayb galin wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee Turkigu gogoshooda dhigay.