Ururka Qareennada Somaliland Oo Hoggaan Cusub Doortay

0
104

Shirweynihii 4aad ee ururka Qareenada Somaliland oo labadii maalmood ee udembeeyey ee 1 & 2 June ka socday Magaalada Hargeysa gaar ahaana Huteelka Maansoor,

Waxa Shirweynaha ku sugnaa Dhamaan Xubnaha Ururka ee Ergooyinka Gobolladda iyo Degmooyinka Somaliland.

Waxa shalay lagu doortay Xubnaha hogaamin doona ururkaasi mudada labada sano ee socda iyadoo loo doortey Gudoomiyaha Ururka Qareenada Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo),oo hore u ahaa Xoghayihii ururkaasi halka Gudoomiye Kuxigeenka rurka Qareenada Somalilandna loo doortey Garyaqaan Cabdi-naasir Yuusuf Cabdilaahi, islamarkaana Xoghayaha ururka Qareenada loo doortey Jamaal Xuseen Axmed Ducaalle, Waxa kale oo Shirweynahan lagu doortey Xubnaha Golaha Dhexe ee Ururka Qareenada Somaliland Solla.

Shirweynahan oo ahaa kii afraad ee noociisa ah oo ay qabsadaan Ururka Qareenada Somaliland ee Solla waxaa u tartamay Gudoomiyanimnada Ururka sadex xubnood oo kala ahaa Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi(Timo) oo hadda isagu ku guulaystey xilka Gudoomiyanimada waxa uu helay 66 cod, Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo isna helay 47 cod iyo Garyaqaan Farduus Maxamuud Gahayr oo iyaduna heshay 7 cod, iyada oo guud ahaan tirada ergooyinka Qareenadu ahaayeen 119 Ergay iyo 3 Shirgudoon ah. Sidoo kalena waxa Xilka Gudoomiye Kuxigeenka u tartamay markii hore Sadex Xubnood (1)-Cabdinaasir Yuusuf Cabdilaahi 90 cod waxaana ka tanaasuley laba xubnood oo kala ahaa garyaqaan Barkhad Jaamac Aar iyo Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan. Waxa kale oo isku Sharaxey Xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Solla laba xubnood oo mid kamid ahi tanaasulay waxaana ku guulystey garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed oo helay 93cod halka uu ka tanaasuley Garyaqaan Daahir Maxamed Faarax(Daahir-Ciyaale). Waxa Kale oo Shirweynahan Afraad ee Ururka Qareenada Somaliland ee Solla goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, Wasiirka Cadaalada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Waliba ururada Bulshada Rayidka ah iyo garsooyaal tira badan iyo Xubno dhinaca Cadaalada ah oo Madaxbanaan

Comments

comments