“Turkigu Dhex Maaha, Car Waa Kaase Ninka Erdogan Hargeysa Oo Nabad Ah Ha Soo Booqdo” Cabdikariim Axmed Mooge.

0
647

Cabdikariim Axmed Mooge, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay booqashada madaxweynaha Turkiga ee magaalada caasimadda ee Muqdisho.
Mudane Mooge waxa uu sheegay in aanu dalka Turkigu dhex ka ahayn wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana uu doonayo Turkigu in la mideeyo labada waddan, isagoona farta ku fiiqay booqashooyinka kala duwan iyo dib u dhiska uu Turkigu ka sameeyay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Cabdikariim Axmed Mooge oo bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook qoraal kooban ku baahiyay ayaa waxa uu yidhi;

‘’Turkigu waxaa uu ka dhistay safaaraddii ugu weynayd ee uu Africa ku yeesho Muqdisho, waxaanu ka fuliyay mashaariic fara badan oo aan ka xusi karno iskuullo, cusbitaallo, wadooyin, dib u casriyaynta airportka Muqdisho iyo qaar kaloo badan.

Somalilandna waxa uu ka furtay qunsuliyad yar oo ku jirta guri kiro ah oo laga xukumo Muqdisho waxaanu ka hirgaliyay Somaliland mashaariic yaryar oo Somalilandba iskeed u qabsan kari lahayd, oo ahayn kuwa dawladi dawlad ku tageerto. Turkigu Somaliland wuxuu kula dhex wareegaa uun wadahadallo madhalays ah oo uu ku rabo midnimo Soomaaliyeed.

Joogitaankooda Hargeysa waxa la dhaafsadey anuu garan maayo laakiin nimanku dhex maaha, car waa kaase ninka Erdogan Hargeysa oo nabad ah ha soo booqdo ama wax u dhigma waxay Muqdisho ka qabteen haka qabto Somaliland haday dhex yihiin!.’’