Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Gaadhay Deegaanka Dharkayn-Geenyo Oo Uu Ka Socdo Dagaal Xoogan Iyo Maleeshiyo Beeleedyo Is Horfadhiya

0
658

Wararka naga soo gaadhaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in ciidamada qaranka Somaliland ay ila xalay ilaa saaka gaadheen tuulada dharkayn-geenyo oo kamida gobolka sool isl markaaana uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya laba beelood oo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi.

Waxaana la sheegay in ciidamo tiro badan loo daad guureeyey dhanka iyo deegaankaas iyaga oo ciidmada qaarkoodna ay gaadheen.
Dagaalkan ayaa sababay inta la ogyahay khasaare dhimasho gaadhaysa ilaa 10 qof halka tiro kalena ku dhawacantay.

Ciidamada qaranka Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay ukala kicin lahaayeen maleeshiyaadka is horfadhiya iyada oo ciidankuna kaga yimaadeen jihooyinka ay kala fadhiyaan balse wali maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa is horfadhiya iyaga oo sidoo kale ay maleeshiyaadku isku soo hub iyo ciidan guranaya.

Xaalada deegaanka ayaa wakhti xaadirkan ah mid kacsan, culimada waa way nee magaalada laascaanood, xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland iyo waxgaradka iyo odayaasha reer Somaliland ayaa labada beelood ee dirirtu ka dhaxayso ugu baaqay nabad iyo inay arinka ay isku hayaan ku dhameeyaan wada hadal.

Ilaa hada lama garanayo sababta ka danbeysa ee dagaalkan, balse waxa socda dadaalo lagu donayo in lagu damiyo dagaalkan laguna kala kiciyo maleeshiyaadka is hor fadhiya.