Somaliland: Muuse Biixi Oo Caddeeyay In Ay Ku Dedaalayaan Sidii Ay Prof. Samatar Ugu Qancin Lahaayeen Xisbiga KULMIYE

0
756

Guddoomiyaha    xisbiga   kulmiye  Muuse Biixi Cabdi,  ayaa shaaca ka qaaday  in  xisbiga KULMIYE   uu  aad u danaynayo  in ay ku qanciyaan  in  Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu ku soo biirro xisgoodda.

Waxaanu sheegay  in uu qorshaynayo sidii uu kulan ula yeelan lahaa Prof. Samatar oo isagu haatan ku sugan dalka. Isagoo  tilmaamay   in ay ku dedaalayaan sidii Axmed Ismaaciil Samatar  ay ugu qancin lahaayeen in uu xisbiga KULMIYE  ku soo biirro, isla markaana ay hal-gan ugu jiraan in ay uga  horeeyaan inta aanu xisbiyadda kale gelin.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waan  la kulmi doonaa,  oo waan  ku noq-noqon doonaa,    oo waxaan  Tab iyo xeelad iyo xoogba  isugu   gaynayaa  in xisbiga KULMIYE  uu   ku soo biiro   Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.  Mar  haddii  uu siyaasada hun-guraynayo in uu na taageero,   oo kuwa kalena uga dheerayno,  oo aanu qancino waa hawsha na hortaala.Waana  nin weyn oo  Jaamici ah,  culayskiisa siyaasadeed ayuu leeyahay,  waxaanan  hal-gan ugu jirnaa  aniga iyo Saylici 9madaxweyne ku xigeenka)  in aanu ku qancino in uu KULMIYE   nagala shaqeeyo  Axmed Ismaaciil Samatar.  Waana  siyaasi weyn  oo xisbiyo dhan ayaa u tartamaya,   uguna yeedhi mayno Axmed in uu na taageero mooyee in muran dhexdayada  ka dhasho,   taa ma aha.”

Muuse Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay heshiiska   hor-dhaca ahaa ee ay xukuumadu la gashay  dawladda Imaaraadka carabta  heshiiskaasi oo uu ku tilmaamay mid fursad Dahabiya u ah Somaliland, isla markaanna uu wax ka qaban karro dhibaatooyinka bulshadda haysta sida shaqo la’aanta iyo Tahriibka.

“Aad  ayaan u soo dhawaynayaa    maalgashiga.  Dalkeenuna  waxa  uu ubaahan yahay maalgashi oo dhibaatooyinka ina haysta  ee  ay ka mid yihiin  shaqo la’aanta,   Tahriibta iyo abaaraha soo noqnoqday  ee aan u tag waynay  ee caalamka nidhaahno  na caawiya.    Awood  dhaqaalena  mahayno,  haddii   aynu helnay    maalgashi caalami  ah  oo  waliba dawlad  Islaam ah,   oo aan ahayn   kuwii laga baqayay  ee la lahaa u jeedo fog   ayay leeyihiin,   waa fursad Dahabi ah   oo Somaliland loo keenay, maalgashiga  dekeda Berbera”ayuu  Muuse Biixi oo shalay magaaladda Hargaysa ugu waramayay telefishanka HCTV.

Dhinaca kale, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu ka hadlay  wararka  la isla dhexmarayo beryahan ee la xidhiidhay  in ganacsade C/raxmaan Boore uu qayb ka ahaa  heshiiska ay dhawaan Dubai ku kala saxeexdeen Somaliland  iyo shirkadda DP world. Waxaanu sheegay in arrintaasi aanay waxba ka jirin,sidoo kalena aanay jirin sabab loogu nisbeeyo in arrintaasi ay dhaawac u gaysan karto xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo  Jabuuti. Waxaanu yidhi

“Qof aan meel  isku salaanay xumayn mayno,  sawir dawladeed xumayn maayo,   meel walba  oo la tago waa la isku salaamaa.  Markaa   Boore ayaa idinla joogay xidhiidhka jabuuti    xumyn mayso.  Xidhiidhka   Jabuuti  waxaa  xumaynaya wixii   dhibaaho ah ee xageena ka yimaada, qof kastoo bani’ aadam ah  waa la isa salaami karaa,  waa  la wada hadli karaan,   Boore-na   in uu  Jabuuti mucaarad ku yahay waan  og-nahay.  Laakiin  C/raxmaan  Boore,  noolama iman karo wax xumaanta iyo dhibaatada Jabuuti ah.

Haddii  uu la yimaadana kama aqbalayno,  waanan  ka hortegaynaa.   Markaa  xidhiidhka wadamada jaarka ah naga dhagaxeeyaa waxa weeyi  in xageena ka  amni  iyo is-kaashi  ka helaan,  oo dhibaatada iska ilaalino,  tii uun baa taala.  Markaa  isma seegi karno Jabuuti. C/raxmaan Boore-na waxa ay saxiib yihiin imaaraadka carabta,  iyaga ayaana wada socday anaga mucaaaradad Jabuuti iyo xan Jabuuti  mid-na  noolama  imanayo,  mana suur toobayso in uu Somaliland taa la yimaado.”