Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay Dib U Dhiska Uu Ku Samaynayo Hoygii Somaliland Lagaga Dhawaaqay

0
773

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), ayaa ka hadlay khilaafkii dhawaan ka dhex dhashay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco oo sababtay in Laba Maayar la sameeyo, blasé markii dambe uu badhasaabku ku guulaystay inuu xaliyo.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay hindisayaal cusub oo uu ka wado Gobolka, waxaanu si gaar ah u sheegay inuu dhisayo Goobtii lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Khilaafkaasi wuu jiray carab iyo labadiisa daan baa is qaniina, khilaafkaasina wuu soo jiidamayey balse sida aanu baahinay waxaanu ka dhignay khilaafkii xalay dhalay, waanu isku gacan saarnay, si fiican bay isku laab xaadheen, waana iska hunguri siyaasadeed kursiga aniga ku wanaagsan iyo aniga ku wanaagsan, waxay ahaayeen saaxibo markii hore wada socday, markii dambena hunguri kala galay, waanu isku soo dhaweeynay hawshaasina si fiican bay u dhamaatay, Golaha Deegaankuna wey ku mideeysan yihiin Maayarkii iyo Maayar ku xigeenkoodii hore u maamuli jirayna sidii bay u shaqeeynayaan.

Gobolka Togdheer waa Gobol dad wanaagsan, dadna waxa ugu wanaagsan marka aad maamulayso qof aad og tahay waxa uu doonayo iyo waxa uu diidan yahay, waa dad aan soo warwareegayn ee waxa ay jecel yihiin kuu sheegaya, “.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa mar uu ka hadlayey Gobolka Togdheer yidhi

“Runtii Gobolka Togdheer waa Gobolka labaad ee ugu bulshada badan Burcana waa Caasimadda labaad ee Somaliland, Gobolka Togdheer waa Gobol Gobolada kale kaga duwan dhinaca xoolaha, waa Gobol ay ka soo baxeen Saddex Madaxweyne, ALLE ha u wada naxariiste Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madaxweynaha hadda ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waa Gobol taariikh badan leh, isma odhanaya wax ka duwan baad sameeysay waxyaabihii Badhasaabadii hore sameeyeen, laakiin waxaan isku dayey in taariikhda badan ee Gobolku leeyahay in aan wax badan soo saaro, oo ay ka mid tahay meeshii lagaga dhawaaqay gooni la soo noqoshada Somaliland, oo dunsanayd oo aan u badheedho inaan si tabaruucad ah u dhiso, oo aan niyada galiyo in aan dhiso, Madaxweynaha ayaan ula imid oo wuu igu taageeray, Madaxweyne ku xigeenka ayaa noo yimid oo soo dhex dhigay, dad baa deganaa muddo dhawr iyo labaatan sanno ah, dadkaasna waxaan isku dayey in aan meesha ka raro, wacyigelin fara badan kadib iyo markii aan dhul u soo helay dadkii wey ka guureen, maanta wey banaan tahay meeshii, shirkado ayaanu tartansiinay, waxaana heshay oo ku guulaystay tartankii Shirkada la yidhaahdo Najax Construction, wax lacag ah oo aanu haynaa oo meel u yaalana ma jirto, laakiin dadka ayaanu doonaynaa inay ka qayb qaatan, dhawaana waxa aanu doonaynaa in aanu ka dhigno haddii ALLE idmo meel masxaf ah oo umaddu booqato”

Geeska