Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Waftiyo Ka Socda Dawladda Cuman Iyo Hay’adda MSF

0
758

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Waran Cadde ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socday Madaxtooyada Dawlada Cumaan.

Waftigan oo uu hogaaminayey dhaxal sugaha Boqortooyada Cumaan General Nuux ayaa ujeedada socdaalkoodu ay ahayd sidii ay usoo indho indhay lahaayeen xaalada amaan iyo ta maalgashi ee dawlada Somaliland .

Waxaana wasiirka arrimaha gudaha ay kala hadleen xaalada amaan ee dalka isga oo wasiirku ku qanciyey ugana xog waramay in guud ahaanba dalka Somaliland uu amaankiisu yahay mid sugan isla markaana ku qanceen lana qaateen .

Dhinaca kale waftigu waxa ay Wasiirka Arrimaha Gudaha kala hadleen sidii loo mataanayn lahaa isla markaana ay xidhiidh dhinaca amaanka ay ay u wada yeelan lahaayeen Dawlada Cumaan Iyo Dawlada Somaliland.

Waxa sidoo kale uu Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Balaadhan Oo Ka Socda Haayada Medecines Sans Frontieres (MSF) Isla Markaana Uu Hogaaminayo madaxa haayadaasi oo lagu magacaabo General Director Bruno Jochum .

Waftigan Ka Socda Haayada Medecines Sans Frontieres (MSF) Ayaa Ujeedada socdaalkoodu Uu Ahaa Sidii Ay Somaliland Dib Uuga Bilaabi Lahaayeen Hawlahooda Shaqo Ee Ay Hore Uuga Qaban Jireen Dalka Somaliland.

343 931 1139