Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo Dib U Dhacay Iyo Wakhtiga Cusub Ee Loo Muddeeyay Inay Dib U Furmaan

0
730

Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo mudaysnaa inay Turkiga ka qabsoomaan 30 iyo 31 May ayaa dib uga dhacay wakhtigaas loo qorsheeyay.

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in wada hadaladu dib uga dhacaan wakhtigii lagu heshiiyay inay qabsoomaan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in dib u dhaca wada hadaladu yimaadeen ka dib markii ay dawladda Somaliya dalbatay in wakhtiga dib loogu dhigo, iyadoo ku sababaysay arrimaha doorashooyinka Madaxweynenimo ee ay ku mashquulsantahay.

Sidaas daraadeed, warar uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijinayaan in dawladda Turkigu ay wada hadalada mar kale u mudaysay inay furmaan 6 June, lagana yaabo inuu hal maalin wada hadalka labada dawladood noqdo.

Lama garanayo in wada hadalada lagu soo kordhin doono qodobo cusub iyo in lagu sii wadi doono qaabkii hore ee dul ka xaadiska ahaa ee la iska ilaalin jiray in la soo hadal qaado qodobada muhiimka ah ee ay labada dhinac kala taaganyihiin.

Diblomaasi xogogaal u ah arrimaha wada hadalada oo ka cudur daartay in magiciisa la sheego ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inuu aaminsan yahay inaanay wax faa’ido ahi Somaliland uga soo baxayn kulankaasi iyo guud ahaan wadahadaladaba, waxaanu dawladda Somaliland ugu baaqay inay raadsato dawlado kale oo dhex-dhexaada.

“Mar hadaad I weydiisay waxaan aaminsanahay inaanay wax natiijo ahi ka soo baxayn kulankan iyo guud ahaan wada hadaladaba.

Somaliland waxa la gudboon inay raadsato dawlado kale oo dhexdhexaada”. Sidaa ayuu yidhi diblomaasigii ka cudur daartay in magiciisa la sheego.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ilaa hadda la qorsheeyay inay dhinaca Somaliland uga qayb geli doonaan wada hadalada, waxaana la filayaa in wasiirada khaarajiga iyo madaxtooyadu toddobaadkan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ugu baxaan arrimo la xidhiidha bilowga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.