Somaliland: Xukuumadda oo si Adag uga Jawaabtay Qorshe Maamulka Muqdisho Ku Doonayo In Mustaqbalka La Mideeyo Imtixaannaadka Shahaadiga

0
763

Dawladda Somaliland, ayaa si adag uga jawaatay Hadal ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Sannadka Dambe ee 2017-ka la mideynayo Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa doraad Gobollada Soomaaliya laga bilaabay Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe, kaasi oo xilliga loo dareeray ku soo beegmay Wakhtiga ay Ardayda Somaliland-na u fadhiisteen Imtixaannaadka Shahaadiga ah, kaasi oo ay ka qayb-gelayaan Arday ka badan 25 Kun.

Laakiin Maamulka Mudisho oo ka faa’ideysanaysa inay isku beegmeen Imtixaannaadka Shahaadiga ah, ayaa Warbaahinta ka sheegtay inuu jiro Heshiis u dhexeeya Somaliland, kaas oo dhigaya in Sannadka dambe si rasmiya loo mideeyo Imtixaannaadka Shahaadiga ah.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Maamulka Muqdisho Cabdillaahi Bile Nuur oo ka hadlay bilowga Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Maamulkoodu ku guuleysatay inay mideysay Imtixaanka Shahaadiga ah Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, isla-markaana Puntland iyo Somaliland u gudbi doonaan,

“Imtixaanku wuxuu ka bilaabmay Gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland-na xilligooda ayaanu u gudbi doonaa” ayuu yidhi, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Soomaaliya oo Warbaahinta Shalay kula hadlay Muqdisho.

Wasiirka Waxbarashada Maamul-gobolleedka Gal-mudug Ibraahim Sheekh Xasan (Guureeye) oo isaguna ku hadlayey Afka Maamul-gobolleedyada Soomaaliya, ayaa sheegay

“Sannadkan waxa ka qayb-galay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Soomaaliya, Maamul-gobolleedyada kala ah Jubbaland, Gal-mudug, Koonfur-galbeed, laakiin Sannadka soo socda sidii qorshuhu ahaa Puntland way ka qayb-galeysaa Sannadka soo socda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inuu jiro Heshiis dhex maray Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo dhigayey in Somaliland Imtixaanaadka Shahaadiga ah keligeed ka qaaddo Ardaydeeda Laba Sannadood oo la soo dhaafay iyo Sannadkan, Sannadka soo socdana kala qayb-gasho Soomaaliya, “Laba Sannadood oo hore iyo Sannadkan ayaa ay gaar u qaadayeen Imtixaanka (Somaliland), Saddex Sano ka dib marka la gaadhana Imtixaanka (Soomaaliya) ay ka soo qayb-galaan, markaa Sannadka soo socda ayaanu rajeynaynaa inay ka soo qayb-galaan, sidaasina waa Heshiiskii lagu Heshiiyey inay ka mid noqonayaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Soomaaliya.”

Hasa-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-Dheere), oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka ku waydiiyey waxa ka jira Heshiiska Dawladda Soomaaliya sheegtay inuu dhigayo in la mideeyo imtixaannaadka Shahaadiga ah Sannadka 2017-ka, ayaa ku jawaabay,

“Somaliland iyo Soomaaliya, waxa kaliya oo innaga dhexeeyaa waa Diinta, waayo, isku Manhaj ma nihin, isku siyaasad Waxbarashana ma nihin, waxaynu ku kala duwanahay, siyaasadda Waxbarashada Maamulka Muqdisho waxa xukuma Dallado iyo Wadaaddo, Somaliland-na Siyaasadda Waxbarashada waxa xukuma Dawladda”. Ayuu yidhi, Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in aanu Xidhiidh ka dhexeyn Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Somaliland iyo Maamulka Muqdisho Sannadkan, ee ay kulmeen uun, “Wakhtiga Imtixaannadu Waddamada Dunidu way kulmi karaan, balse ma jirto wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya waqtiga billowga imtixaanka shahadiga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya”.

Sabtidii Doraad oo ku beegnayd 28-ka Bisha Shannaad ee Sannadka 2016-ka, ayaa waxa Imtixaanaadka Shahaadiga ah u fadhiistay Ardeyda Fasallada 8-aad ee Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Fasallada Afraad ee Dugsiyada sare ee Somaliland.

Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo lagu qaadayo 190 Iskuul oo loo qorsheeyay, ayaa waxa u fadhiistay arday ka badan 25 kun, kuwaasi 15 Kun oo ka mid ahi yihiin Ardayda Sannadkan ka baxeysa Fasallada 8-aad, halka 9 kun in ka badana yihiin Ardayda ka qallin-jebinaysa Fasallada Afraad ee Dugsiyada sare ee Somaliland.

Imtixaankan oo Macalimiinta qaadaya la isku shaandheeyay isla-markaana Macalin walba la geeyay Iskuul aan ahayn kii uu ka tirsanaa ayaa nidaamka loo ilaalinayana aad loo adkeeyay.