Somaliland: Xukumadda Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadal Kasoo Yeedhay Madaxwaynaha Maamulka Muqdisho Xasan Sheekh

0
764

Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Somaliland Md: Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal kasoo yeedhay Madaxwaynha Somaliya ,kaas oo sheegay inuu ku hawlan yahay baadidoonka dhaqaale uu ku dhisayo wado laami ah oo isku xidha magaalooyinka Burco iyo Sheekh ee Somaliland.

Laakiinse Wasiirka Hawlaha Guud Md: Cali Xasan Maxamed oo arrintaasi daba socda ayaa ku jawaabay

“waa hadal uu iska yidhi ninkaasi,sal iyo raad toona ma laha warkaasi,markii horana waligeed dawlada Somaliya waxay ku caawisay Somaliland ha yaraato ama ha badnaatee lama arag ,tamar ay waxku caawisana ma laha oo iyagiibaa ciidamo ajanabi ahi guryahoodii iyo Xafiisyadoodii ilalinayaan waxaad kaloo aad arkaysaa in hadalkan laska yidhi oo uu been yahay waayo Burco iyo Sheekh oo isku jira 55 km ayuu ku sheegay 350km ,waxaanan filayaa inuu Xasan Sheekh ku ashqaraaray mikirifonka mana aha nin Somalialnd horumarkeeda iyo wadoyinka ka socda wax ka og waxaana ka masuul ah Dawlada Somaliland horumarka dalkani ,iyagana waynu aragnaa xaalada ay ku sugan yihiin waxanan u arkaa hadal layska yidhi “ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud .

Cali Mareexaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay in Wasaarada Hawlaha guud Codsiyo u gudbisay dawladaha aynu saaxiibka nahay balse waxa uu sheegay inaan loo soo marin waxna laga waydiin arrimha wadoyinka dawlada Somaliya

“Dawlado badan ayaa nala shaqeeya oo wax nala qabta mana aha wax Somaliya soo mara waxaana kamida Sanduuqa Somaliland ee SDF oo laga dhiso wadooyin badan ,lacagtaasina waa lacag si toosa ay dawlado dunida ahi Somalilnd ugu caawiyaan,mana aha wax Somaliya ay wax ka ogyihiin oo ay shaqo ku leeyihiin ,mana jirto wax dhismaha wadoyinka ku saabsan oo Somaliya fasax looga qaadanayaa “ayuu yidhi wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somalilnd Md: Cali Xasan Maxamed .