Somaliland: Guddoomiye Cirro Iyo Wefti Reer Salaxley Kala Qayb Galay Gunaanadka Diiwaangelinta

0
839

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo u jeedkiisu ahaa u soo hambalyeynta dadka ku dhaqan deegaanada hoos yimaada degamada Salaxlay, qaabkii fiicnayd ee ay isu soo diiwaan-geliyeen isla mar ahaantaana ay si weyn uga qeyb-qaataan gunaanadka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay ay ku tageen deegaanada Toon, Qool-cadey iyo degmada Salaxlay.

Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen, guddoomiye ku xigeenka WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee xisbiga WADDANI, ku waasi oo soo dhaweyn ballaadhan kala kulmay guud ahaan deegaanaddaasi, waxaana ay dadka deegaanaddaasi ay muujiyeen sida ay ugu heelan yihiin xisbiga WADDANI, iyaga oo lu laayey caleemo qoyan iyo calanka liimiga ah ee xisbigaasi, sida oo kalena ku dhawaaqayey hadalo ay ku taageerayaan xisbiga WADDANI, isla mar ahaantaana hormuud ka yihiin isbedel la mahadiyo oo xisbigaasi uu ku hago jamhuuriyadda Somaliland.

Afhayeenka xisbiga WADDANI, Siyaasiyiin, Madaxdhaqameed, dhallinyaro iyo haween aad u tira badan oo ka hadlay deegaanada lagu soo dhaweeyey weftiga SAMA-WADE, ayaa dhammaantoodba muujiyey sida ay ugu faraxan yihiin booqashada uu ugu yimi xisbiga WADDANI, waxaana ay carabka ku dhufteen in guul ka soo hooyeen qaadashaddii kaadhka diiwaan-gelinta Somaliland, iyaga oo sida oo kalena hoosta ka xariiqay in la gaadhay wakhtigii ay codkooda ku ciil bixi lahaayeen isla mar ahaantaana ay hormuud u noqon lahaayeen isbedelka siyaasiga ee uu wado xisbiga WADDANI, sida oo kalena ay ku muujin lahaayeen awoodooda siyaasiga ah si loo gaadho isbedel dhabba oo guud ahaan dalka u horseed horumar, cadaalad iyo sinnaanshiyo.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibbaan Aareeye, Siyaasi Xamarje, Siyaasi Cali Cantar iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba si weyn ugu mahadceliyey qaabkii diiranayd ee loo soo dhaweeyey, waxaana ay tilmaameen in ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta aan loo kala hadhin ee ay shacabka deegaanaddaasi ku qaabileen, iyaga oo sida oo kalena farta ku fiiqay in la gaadhay wakhtigii ay shacabka deegaanaddaasi ay fartooda kaga ciil bixi lahaayeen dawlad aanay ku qabin xil iyo horumar toona isla mar ahaantaana dayacday shacabka ku dhaqan deegaanaddaasi.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna dhankiisa la hadlaayey shacabka ku dhaqan deegaanaddaasi, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ugana mahadnaqaayo qaabkii diiranayd ee loo soo dhaweeyey, waxaana uu ugu hambalyeeyey siddii habbooneyd ee ay uga wada qeyb-qaateen isla mar ahaantaana guusha uga soo hooyeen diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha, iska oo ku guubaabiyey in maalmaha hadheyna ay si weyn iskaga diiwaan-geliyaan deegaanaddaasi.

“Farxadweyn ayey noo tahay in aanu maanta idin soo booqano, waana aanu idiin ka mahadcelinaynaa sida habboon ee aad noo soo dhaweyseen, xisbiga WADDANI hore waa kii idin kuugu yimi e’ idin kala qeyb-galay horraantii diiwaan-gelinta, se maanta waxa aanu u soconay maadaama oo aan beryahan ku maqnaa dalka dibaddiisa in aan anna idin kala qeyb-qaato gunnaanadka diiwaan-gelinta, waxaana aan aad iyo aad idiin ku hambalyeynayaa guusha weyn ee aad ka soo hoyseen diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha Somaliland.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaah (Cirro).